Webinsidesomalia.org

Single Sign-On


Easy Sign In
RPX

User Videos

Tweets

EXCLUSIVE PICTURES: #Palestinians hold candlelit #vigil to mark 1000th day of #siege of #Gaza http://bit.ly/9a5UW5 rt @MiddleEastMnt
That means I can only do it well in stiletto's. RT: @Tim_Maynard 'Storytelling is like snooker' vin ray
Camfed founder Ann Cotton featured on The Daily Femme, a blog highlighting women making a difference. http://ow.ly/1gNyj
Camfed founder Ann Cotton featured on The Daily Femme, a blog highlighting women making a difference. http://ow.ly/1eNTh
What's Stopping Innovation? http://bit.ly/bgLnxh
For Retirees, Social Entrepreneurship Is Better Than Golf http://bit.ly/b1tT5z

Newsletter and Updates










News in English
Wararka Maanta

Online Users

  • Abbas Gassem
1 user and 148 guests online | Show All
Siyaasadda
Dagaalo iyo duqeymo saaka ilaa maqribnimadii caawa ka dhacayey Muqdisho PDF Print E-mail
News in Somali - Siyaasadda
Wednesday, 10 March 2010 17:31

Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxayso dagaalo iyo duqeymo saaka ilaa maqribnimadii caawa ka dhacayey Magaalda Muqdisho iyo sheegashada dhinacyada ee guulaha ay kala gaareen.

Dagaal iyo duqeymo is barbar socday oo ka soconayey qeybo ka tirasan xafadaha Magaalada Muqdisho oo soo garey gabaldhicii

Dagaaladan oo bilowday saaka aroortii xiliga salaada ayaa waxay ku faafeen xaafadaha waqooyiga Magaalada Muqdisho sida Cabdicasiis, Shibis, Yaaqshiid, Maanbolyo ,kaaraan waxaana ay risaastu gareysay qeyb ka fogfog halka dalaaku ka soconayey sida ay ku soo waramayaan dad ka fog fog halka dalaaladu ka dhacayaan waxaana dhinacyadu isu adeegsanayaan madaafiicda hobiyaha qoryaha lidka diyaradaha ,B-M ka iyo madaaficda garbaha laga rido.

 
Xaalada Magaalada Muqdisho PDF Print E-mail
News in Somali - Siyaasadda
Friday, 12 February 2010 11:17
Muqdisho Ciidamada Midowga Africa oo mar kale xaafado ka mid ah Muqdisho Duqeymo Ku bilaabay saaka .

Wararka Murugada iyo tiriaanyada leh ee lag ahelayo dhanka dagmoyinka ay duqeymuhu ku socdaan ayaa sheegaya in Madaafiic ku dhacday dagmada yaaqshiid ay geysatay dhimasho iyo dhawac soo garay dad rayid ah .

Madaafiicdaan oo ka soo burqaneysay fadhisimada ciidamada AMISOM ay ku leyihiin qeybo ka tirsan Magaalda Muqdisho ayaa galaafatay Nolosha lix ruux o rayid Somali ah kuwaas oo aan waxba galabsan isla markaana aan ku jirin wax dagaal ah waxaana dhaawacyo kala duwan soo gaarey dad ka mid ah kuwa deegaanka oo madaafiic ugu tagtay guryahoda xili halkaasi aanay ka jirin wax iska horimad ah. 
 
Xildhibaanno: Kenya waa inay raali galin bixisaa PDF Print E-mail
News in Somali - Siyaasadda
Thursday, 04 February 2010 10:22

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ayaa dalbaday mooshin lagu dalbanayo in Kenya raali galin ka bixiso qab-qabashadii Somalida ee Nairobi

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Somalia oo shir jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay baarlamaanka u gudbiyeen mooshin ka dhan ah Kenya oo ku saabsan qab-qabashadii dhawaan ciidanka dalkaasi ay qabteen dad fara badan oo Somali ah oo ay ku jiraan xildhibaanno ka tirsan barlamaanka Somalia.

Prof. C/laahi Axmed Afrax oo ka tirsan mudanayaasha mooshinkan gudbiyay ayaa VOA-da uga warramaya qodobadda mooshinka ku qoran oo uu sheegay inay 8 qodob ka kooban yihiin.

 
Amnesty: Ha laga joojiyo hubka PDF Print E-mail
News in Somali - Siyaasadda
Thursday, 21 January 2010 15:57
Amnesty: Ha laga joojiyo hubka
Amnesty International
Hey'adda Amnesty International waxay walaac ka qabtaa hubka Soomaaliya
Hey'adda caalamiga ah ee Amnesty International ayaa ku baaqday in la joojiyo hubka la siinayo dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ilaa laga helayo nidaam hubkaasi looga ilaalinayo in aan loo isticmaalin in lagu galo danbiyo dagaal iyo xadgudubyo ka dhan xuquuqda aadanaha.

Warbixinteeda ugu danbeysay ee ay hey'addu ka soo saartay Soomaaliya ayay ku faahfaahisay hubka, isugu jira madaafiicda iyo qoryaha yaryar iyo lacagta ay dowladda hub ku gadanayso.

Warbixinta Amnesty

Amnesty waxay sheegtay in lagu wareejiyay hubkaasi iyo lacagba dowladda, iyadoo ay jirto qatarta ah in loo isticmaali karo iyadoo aan la kala soocin weerarada dowladdu ay qaado, ama lagu weeciyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG ah, oo iyaguna gala dambiyo waaweyn iyo xadgudub ballaaran.

 
Dagaalka Beledweyne iyo Warxoolo PDF Print E-mail
News in Somali - Siyaasadda
Tuesday, 12 January 2010 16:14
Beledweyne
Dagaalka Beledweyne ayaa ah kii ugu xumaa ee dhawaanahan soo mara magaalada
Ugu yaraan Lix qof ayaa ku dhintay tobon kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal maalintii saddexaad ka socda magaalada Beledweyne.

Dagaal kale ayaa isna ka socda deegaanka Warxoolo oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dagaalladan ayaa waxa ay u dhexeeyaan Ahlu suna wal jameeca oo dowladda taageersan iyo Xisbul Islaam.

Warbixinta Dagaalka

 
Barduuro oo geeriyooday PDF Print E-mail
News in Somali - Siyaasadda
Thursday, 10 December 2009 16:42
Taaladii ururka SYL
Taaladii ururka SYL
Magaalada Nairobi ayaa waxaa maanta ku geeriyoodey Cali Xasan Cali oo loo yaqaano Cali Barduuro oo ka mid ahaa 13kii dhalinyaro ee aasaasey ururkii gobanimadoonka ee SYL.

Cali Barduuro waxa uu ahaa xubintii ugu dambeeyey ee ka noolaa aasaaseyaashii ururkii dhalinyarada ee SYL.

Si kedis ah ayuu marxuumku ugu geeriyoodey guri ku yaala Nairobi, sida uu BBCda u xaqiijiyey Maxamed Cusmaan Aadan oo ah Qunsulka guud ee safaaradda Somalia ee magaalada Nairobi.

 
Obama oo guddoomay Nobel Peace PDF Print E-mail
News in Somali - Siyaasadda
Thursday, 10 December 2009 15:58
Madaxweyne Obama
Madaxweyne Obama oo guddoomay abaalmarinta Nobel Peace
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa guddoomay abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel peace prize, xaflad ka dhacday magaalada Oslo ee caasimadda Norway.

Khudbad uu halkaasi ka jeediyay ayaa Madaxweyne Obama waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay, laakiin ay jiraan dad kale oo aad uga mudnaa.

Mr Obama ayaa sidoo kale ka hadlay labada dagaal ee waddankiisu hadda ku dhexjiro, isagoo yiri waxaan dareensanahay dagaal waxa uu yahay.

 
Dagaal ka dhacay Muqdisho PDF Print E-mail
News in Somali - Siyaasadda
Thursday, 10 December 2009 15:55
Maliishiyo hubeysan
Dagaalka waxa uu ka dhacay degmooyinka Shibis iyo Cabdicasiis
Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo xoogagga mucaaradka ee kasoo horjeeda ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa ka dhacay degmooyinka Shibis iyo Cabdicasiis oo ay isku hor fadhiyaan labada dhinac, ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyooday lix kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaalka.

 
Xamar: Dagaalo iyo duqeymo is dhinac socday PDF Print E-mail
News in Somali - Siyaasadda
Sunday, 06 December 2009 14:54
Dagaalo iyo duqeymo is dhinac socday oo galabta maqribkii la qarxay xaafado ka tirsan dagmooyionka maanaboolyo ,shibis ,boondheere,shangani ,iyo cabdicasiis ee gobolka Banadir.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu u dhaxaayey ciidamda dowlada fadaralka KMG somaliya iyo kuwa Mujaahidinta Alshabaab waxaana la isu adeegfsanayey rasaasta cul culus iyo mida fudud waxaana dhinac socday duqeymo iyo madaafiic laga ridayey halka iska horimadku ka dhacayey waxaana dhacday qasaare isugu jira dhimasho iyo dhawac balse aan la ogeyn inta uu la egyahay gabalka oo dhacay owgeed .

Dagaalka galabta ayaa waxaa uu sameyn xoogan ku yeeshay dagmooyin ka tirsan waqooyiga magaalada Muqdisho ,dagaalka ayaa markiisii hore ka bilowday isgoyska 4 afarta jardino ee maana bolyo sarta royal halka loo yaqaan ilaa safaaradii talyaaniga ka dibna wuxuu ku faafay

 
Wasiirro ku dhintay Qarax PDF Print E-mail
News in Somali - Siyaasadda
Thursday, 03 December 2009 17:27
Wasiirro ku dhintay Qarax
Dhaawac
Mid ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxa
3 wasiir ayaa ku dhintay qarax saaka ka dhacay hotel Shamo oo ay ka dhacaysay xaflad qalinjabin ah oo arday jaamacadeed loo qabtay.

Wasiirada dhintay waxaa ka mid ah Wasiirka Tacliinta Sare, Prof Ibraahim Xassan Caddow, Wasiirka Caafimaadka Qamar Aadan iyo Wasiirka Waxbarashada Axmed Cabdullaahi.

Waxaa kaloo qaraxa ku dhintay Dr Shahiid oo ka mid ahaa macalimiinta Jaamacadda.

 
Bosaso: 25 ayaa ku dhaawacmay PDF Print E-mail
News in Somali - Siyaasadda
Wednesday, 02 December 2009 14:13
Boosaaso
Magaalada Boosaaso
Waxaa soo kordhaya tirada dadkii ku dhaawacmay weerar bambaano ah oo xalay lagu qaaday meel filim lagu daawado oo ku taal magaalada Bosaso.

Wararka ka imanaya goobaha caafimaadka ee Boosaaso ayaa sheegaya in dadkii dhaawacmay ay gaarayaan 25 qof oo isugu jira kuwo fudud iyo kuwo dhaawacoodu culus yahay.

Sida la sheegayo ma jirto cid weli loo qabtay inay ka dambaysay weerarkaas waxayna saraakiisha ammanaku sheegeen inay wadaan baaritaano arrintan ku saasban.

 
Obama oo Soomaaliya soo hadal qaaday PDF Print E-mail
News in Somali - Siyaasadda
Wednesday, 02 December 2009 14:07
Madaxweyne Barack Obama
Obama waxa uu Afghanistan u dirayaa 30 kun oo ciidan dheeraad ah
Madaxweyne Obama oo ka hadlayay istiraatijiyaddiisa dagaalka waddanka Afghanistan ayaa soo hadal qaaday Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in si dhaqso oo sugan, ay u isticmaalayaan awood militeri, meelaha al Qaacida iyo xulafadeeda ay isku dayayaan inay ka sameystaan saldhigyo, haddii ay noqon lahayd Soomaaliya ama Yemen ama meel kaleba.

"Waa in laga hortagaa, iyadoo culeys la saarayo, la iskana kaashanayo".

Madaxweyne Obama waxa uu intaasi ku daray in awood militeri oo qura lagaga hortagi kareyn.

 
Baasaboorka Soomaaliya PDF Print E-mail
News in Somali - Siyaasadda
Monday, 30 November 2009 15:49
Taliyaha waaxda Socdaalka Soomaaliya
Abdullaahi Gaafoow
Magaalada Roma waxaa booqasho hawleed ku soo gaaray taliyaha waaxda socdaalka Jeneral Cabdullahi Gaafow Maxmuud.

Waxaana kulamo uu la yeeshay saraakiil ka tirsan wasaaradaha arrimaha gudaha iyo dibadda Talyaaniga.

Kulamada markii ey dhamaadeen Jeneral Cabdulalahi Gaafow waxaa la xiriiray Aden Sabriye, oo weydiyey, ujeedadad socdaalkiisa.

Wuxuu sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha Talyaaniga iyo hay'ado kala ay casuumeen.

 
Ahlu Sunna maxay rabtaa? Daawo.. PDF Print E-mail
News in Somali - Siyaasadda
Wednesday, 25 November 2009 16:27
Maxamed Saleebaan Warsame oo jooga Istuudiyaha Bush House
Guddoomiyaha Ahlu Sunna ee Jaaliyadda dibadda ku nool Maxamed Saleebaan Warsame
Ahlu Sunna, waa koox ay ciidammadeedu dagaal kula jiraan Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Laakiin Ahlu Sunna oo ah koox ka soo jeedda Dariiqada Suufiyada, ayaa ah mid aan hore loogu aqoon ciidan iyo dagaal.

Markaa su'aalo badan ayaa soo baxaya oo ku saabsan kooxdan cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya mar uu ku tilmaamay in ay yihiin mid ka mid ah Jabhadaha dalka ka dagaallamaya.

Arrintaasi way ka caraysiisay Ahlu Sunna, waxayna ka bixiyeen jawaab kulul.

Haddaba kooxdani maxay tahay?

Ma wadaaddo ku soo biiray kuwii kale ee waddanka inay xukumaan doonayay baa?

Si kooban haddii loo yiraahdo - Maxay ujeeddadoodu tahay?

 
Dagaal ka dhacay Muqdisho PDF Print E-mail
News in Somali - Siyaasadda
Monday, 23 November 2009 11:31
Ciidamada dowladda
Ciidamada dowladda
8 qof, oo rayid ah, ayaa ku dhintay iyadoo dhowr tobanna ay ku dhaawacmeen inta la ogyahay dagaal xalay fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa dagaal wehliyay madaafiic lagu garaacay xaafado ay ka mid yihiin Hodan, Yaaqshiid, Howl-wadaag iyo Dayniile.

Waxaa dagaalku ku bilowday weeraro ay kooxda Xisbul Islaam ku qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa midowga Africa.

 
K'NAAN iyo Koobka Adduunka PDF Print E-mail
News in Somali - Siyaasadda
Wednesday, 18 November 2009 13:39
K'NAAN (midigta) mar uu soo booqday Bush House
K'NAAN (midigta) iyo Yusuf-Garaad
Keynaan oo ah fannaan Soomaaliyeed oo caalami ah ayaa hadda ku sugan magaalada Djibouti.

Wuxuu qeyb ka yahay socdaalka koobka adduunku ku marayo Afrika.

K'NAAN, oo magaciisa u soo gaabiya K'naan, waxaa heestiisa Freedom loo doortay in uu ka qaado xafladda furitaanka koobka Adduunka sannadka 2010 marka la isugu tago Koofur Afrika.

 
<< Start < Prev 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 Next > End >>

Page 1 of 38
Copyright ©2007 - 2010 insidesomalia.org - All Rights Reserved | About Us | Contact us | Disclaimer