|
Xildhibaanada Baarlamanka oo Siminaar uga Furmay Baydhabo |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Monday, 18 February 2008 |
|
Baydhabo(insidesomalia.org)-Waxaa maanta ka furmay hoolka barlamaanaka oo ku yaalla Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay siminaar ay ka qeyb galayaan in ka badan illaa 100 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Federaalka KMG Soomaaliya.
wuxuuna socondoonaa dhowr maalmood, sida ay sheegeen hoowadeenada siminaarka, iyadoo Munaasabadii furitaanka siminarkaasina uu ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamanka Md Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Siminaarkan oo lagu baran doono waajibaadka Xildhibaanka iyo howlaha Baarlamanka ayaa waxaa Xildhibaanada Baarlamanka u furay hey'adda lagu Magacaabo INC oo dhowr jeer oo hore Xildhibaanada Baarlamanka siminaaro noocan oo kale ah u furtay.
Guddoomiyaha Baarlamanka Sheeklh Aadan Madoobe oo hadal kooban ka jeediyey furitaanka siminaarkaasi ayaa ugu baaqay Xildhibaanada in ay si haboon uga faa'ideystaan duruusta lagu qadan doono siminaarkan oo uu xusay inuu faa'iido badan u leeyahay kor u qaadida aqoontooda la xiriirta howlaha Baarlamanka sidoo kale waxaa uu Guddoomiyuhu u mahad celiyey hay,ada siminaarkan soo agaasintay.
|