Home arrow News in Somali
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:51
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:88
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:261
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:398
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:141
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 23 2008
Weriye Cawke iyo Xafladdii Qallin-jebinta Jaamacadda Cammuud
Written by Ali Moallim   
Saturday, 23 August 2008

Boorama, (insidesomalia.org)- Boqol iyo siddeed iyo soddon arday oo ka qallin-jebiyey waxbarashadoodii jaamacada Cammuud, ayaa Arbacadii la guddoonsiiyey shahaadooyin.

 

Xafladdan isugu jirtay labada munaasabadood ee sannadguurada 10aad ee aaskii jaamacadda iyo qallin-jabinta, ayaa waxa ka qaybgalay wasiirada waxbarashada, beeraha, caafimaadka, Maamulka Gobolka Awdal, kan Degmada Boorama, Hay'ado isugu jiray kuwa caalami ah iyo Qaramada Midoobay, Guddoomiyaha xisbiga UCID, Guddoomiyaha Jaamacadda Burco iyo martisharaf kale oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba isaga yimi.

 

138 ka jaamici ee shalay qallinjabiyay oo isugu jiray, 35 kulliyadda beeraha ah, 23 kulliyadda maamulka iyo maaraynta ah iyo ardayda kale oo dhammaystay kulliyadda waxbarashada oo 7 ka mid ahi ay degree ahaayeen, inta kalena diploma, waxa iyaga oo ku lebbisan dharka astaanta u ah rag iyo dumarba loo gaar yeelay wejiga hore ee hoolka jaamacadda, iyada oo martida inteeda kalena ka soo horjeedeen.

 

Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed, ayaa xog-waran la xiriirada waayihii jaamacadda oo uu halkaa ka jeediyay ku dhawaaqay in jaamacad ahaan ay ku qanceen in ardayda qallin-jabisay mutaysteen in lagu abaalmariyo shahaado aqooneedkoodii jaamacadeed, waxa kale oo uu halkaa ka soo jeediyay dardaaran iyo hogo-tusaalayn uu u jeediyay ardayda qallinjabinaysa, wuxuuna yirii, "Maanta waxaad tihiin safiiradii Jaamacadda Cammuud, aqoonta aad qaadateen waxa ay ku timi sagrifays iyo dadaal ay idin muujiyeen waalidiintiina iyo macallimiinta Jaamacadda Cammuud, markaa waxa la idinka doonayaa inaad tabarucaa mid la mid ah ummaddiina wax ugu qabataan oo aad soo celisaan abaalkaa la idin gashaday."

 

Prof Saleebaan waxa kale oo uu mahadnaq u jeediyay dhammaan cidkasta oo gacan ka gaysatay taabogalinta Jaamacadda Cammuud, gaar ahaanna hay’adaha EU-da, AET, Progressio, UNDP, xukuuumadda Somaliland iyo si gaar ah Wasaaradda Waxbarashada.

 

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay weriye Axmed Xasan Cawke oo si ballaaran uga hadlay taariikhda Cammuud oo uu ku qaatay waxbarashadiisii dhexe ilaa dugsigiisii sare maanta oo isbeddel weyn iyo horumar tacliin jaamacadeed ku soo korodhayna farxad u tahay inuu ka qaybgalo munaasabaddan qallinjabinta.

 

Waxa kale oo uu u hambalyeeyay ardayda shaahdooyinkoodii la guddoonsiiyey ee dhammaystay waxbarashada jaamacadeed, kuwaas oo uu ku boorriyey in iyagana laga sugayo dadkooda inay uga faa’iideeyaan sida hormoodka jaamacadda Prof Saleebaan oo uu sheegay in yimi xilligii dugsiga sare ee Cammuud uu ku jiray, kadibna maamul ka noqday, haddana uu markale ku soo laabtay oo uu jaamacadda heerkaa maanta soo gaadhsiiyay.

 

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isna ka hadlay horumarka iyo taabbogalka Jaamacadda Cammuud oo noqotay tusaalaha ay ku daydeen jaamacadaha kale ee dalka.

 

Waxa kale oo uu ka warramay taariikhda reer Boorama oo uu sheegay in waxkasta oo wanaagsan ay iyagu hormood u ahaayeen ha ahaato nabadayntii oo salku u dhigeen, dib u dhiskii iyo waxkasta oo kale, sidaa awgeedna Boorama istaahisho in loogu yeedho madiinatul amni.

 

Wasiirka waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud (Gadhweyne), ayaa si rasmi ah u guddoonsiiyay shahaadooyinka dufcadda 7 aad ee ka qallinjabisay Jaamacadda Cammuud oo uu ugu hambalyeeyay guusha dhammaystirka waxbarashada heer jaamacadeed.

 

Waxa kale oo uu ka waramay Jaamacada Cammuud iyo doorka ay ka qaadatay horumarinta waxbarashada dalka, gaar ahaan hormoodka Jaamacadda oo uu sheegay in Wasaaraddu ku shaqayso talooyinkiisa.

 

Ugu dambayntii waxa uu wasiirku axsaabta mucaaradka ah u soo jeediyey inaanay u qaadan munaasabadaha jaamacadaha meel ay ku weeraraan dawladda iyo siyaasadeeda, balse looga baahan yahay inay ka hadlaan oo keliya mawduuca waxbarasho ee ay xafladaha jaamacaduhu ku wajahan yihiin, wixii kalena ay la sugaan marka ololaha doorashooyinka la furo.

 

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items
< Prev   Next >