Baydhabo,(insidesomalia.org)- Markii ugu horaysay Dr.Maxamed Cali Kalaay oo ah wakiilka Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ee dhawaan laga hergaliyay gudaha Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ahna xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, waxa uu ka warbixiyay imtixaan maanta ay u fariisteen ardaydii isku diiwaan galisay in ay wax ka bartaan Jaamacadaasi.
Barqanimadii maanta ayaa ardayda doonaysa inay wax ka bartaa Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya sida uu wakiilka Jaamacadaasi uu Sheegay waxa ay u fariisteen Imtixaankii ugu horeeyay oo ah midka lagu qaadanayo ardayda ka soo qalanjibisay Dugsiga sare heerkooda waxbarasho ay sareyso.
Inkastoo ardaydu arday tiro badan oo inta badanna ka kala yimid gobolada dalka soomaaliya, waxa uu sidoo kale Dr.Maxamed Cali Kalaay in imtixaankaasi dhawaan ka soo dhajindoono isla markaasina ardaydii ku guulaysata si toos ah loogu bilaabi doono Duruustooda heerka Jaamacadeed.
Ugu dambeyntii, Wakiilka Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya waxa uu ku booriyay ardaydaani Maatan imtixaanka u fariisatay inay sii laba laabaan heerkooda waxbrasho si ay dalkooda iyo Diintooda u hormariyaan.