Hargeysa,(insidesomalia.org)- Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ayaa si rasmi ah u soo saarey natiijada imtixaanka shahaadiga sannad-dugsiyeedka 2007/2008-da fasallada 4aad iyo 8aad ee dugsiyada sare iyo dhexe ee dalka.
Waxaana dugsiyada sare oo ay u fadhiisteen imtixaanka 3,027 arday gudbay 2,905, halka ay ka dhaceen 9 keli ahi. Dugsiyada dhexe oo iyagana ay u fadhiisteen 9,727 arday waxa gudbay 5,683, waxana dhacay 707.
Wasiirka Waxbarashada Md. Xasan X. Maxamuud Warsame (Xasan-gadhweyne) oo isagu ku dhawaaqay natiijada imtixaankaas, ayaa isaga oo arrimahaas faahfaahinayey waxa uu yidhi; “Waxa maanta ii sharaf ah in aan halkan kaga dhawaaqo natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa ee 2007/2008-da oo guud ahaan ardayda u fadhiisatay ee fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe iyo afraad ee dugsiyada sare tiradoodu marka la isku daro dhammayd 9,727 arday, kuwaas oo isugu jira dugsiyada sare oo ay u dhafiisteen 3,027 ka kala yimi 36 dugsi iyo dugsiyada dhexe oo ay u fadhiisteen 6,702.
Haddaba, ardaydii dugsiyada sare ee imtixaanka u fadhiistay waxa gudbay imtixaankoodii 2,905 arday, waxa dhacay 9 arday, waxa laga tirtiray 37, waxana ka maqnaaday oo aan gelin 113 arday. Halka kuwa u fadhiistay dugsiyada dhexe ay gudbeen 5,683 arday, waxa dhacay 707, waxa tirtiray imtixaanka 68, waxaan gelin imtixaanka 244.†Wasiirku waxa uu sheegay in sannadkan wasaarad ahaan ay culayska saareen ka hortagga ardayda sida aan sharciga waafaqsanayn imtixaanka uga qaybgashay, kuwaas oo aanay shaacin natiijadoodii oo laga reebay ilaa ay soo caddaynayaan sharcidda ardaynimadooda. Waxaan filayaa sannadba sannadka ka dambeeya waxaynu u sii gudbaynay sidii waxbarashada dalka loo tayeyna lahaa, loogana gudbi lahaa surmaseegtooyinka yaryar ee weydaynaya nidaamka iyo dhaqanka waxbarasho ee Somaliland. Ardayda laga tirtiray imtixaanku waa arday laga waayey shuruudihii imtixaanka loogu fadhiisanayey oo ay ka mid tahay imtixaankoodii fasallada 7aad la waayey ama kii fasallada 3aad ee dugsiga sare oo kale,
waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee xafiiska Imtixaanadka qaranka Md Daa`uud Axmed Faarax. waxana uu sharaxaad kooban ka bixiyay qaabkii loo diyaariyay imtixaanka