|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Warsaxaafadeed ay maanta soo saareen Maamulka Jaamacada Muqdisho ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in shalay abaro 12-kii duhurnimo ay kooxo hubeeysani ka kexeeysteen Jaamcada Muqdisho Macalin ka mid ahaa Macalimiinta Jaamcada, gaar ahaan Kuliyada dhaqaalaha iyo Maamulka Jaamcada Muqdisho una dhashay Dalka Kenya xili uu ka soo baxay Xarunta Jaamcada.
Macalinka oo wax barayay boqolaal Arday Soomaaliyeed ah ayaa waxaa laga watay isagoo ka soo baxaya Cashar uu ka dhigayay Jaamcada, waxaana lagu kexeeystay gaari ay leheed jaamcada Muqdisho, ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka oo maant Nuqul ka mid ah uu nasoo gaaray.
sidoo kale Jaamcada waxaa ay ka walwalsantahay xaalada Macalinka iyo boqolalkii Ardayda ahaa ee uu wax bari jiray Macalinkaasi oo tacliintooda ay hakad gali karto.
ugu danbeeyntii waxaa ay Maamulka Jaamacada Muqdisho ka codsanayaan cidii heeysa Maclinkaasi Ajinabiga ah ee wax ka Ddigi jiray Jaamacadaasi in ay soo daayaan.
Sidoo kale waxaa ay Jaamcada ka codsaneeysaa dhamaan wax garadka,Culumaa'udiinka, Bahda wax barashada iyo dhamaan Bulsho weeynta Soomaaliyeed in ay gacan ka geeystaan qaabka lagu sii deeyn karo Macalinkasi.
Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa ku saxiinaa Maamulka Jaamacada Muqdisho.
|