|
Jaamacado Albaabada Loo Laabey |
|
Written by Abbas Gassem
|
|
Tuesday, 20 November 2007 |
Muqdisho,(insidesomalia.org) Sida ay ku soo waramayaan Macalimiin wax kadhigi jirey Dugsiyada waxbarasha Magaalada Mugdisho ayaa waxaa lasheegayaa in ay wax barasho la,aan hayso Ardey gaareysa 2,500 kuwaas oo wax ka baran jiray Jaamacadaha iyo Dugsiyada waxbarashada Magaalada Muqdisho.
Ardaydan ayaa waxaa saameeyay Howlgalada Ciidamada Itoobiya ay ka wadaan Magaalada Muqdisho gaar ahaan Jaamacadihii iyo Dugsiyadii ku dhowaa guubihii Dalada ay kadhaceen.
Qaar ka mid ah Ardaydan ayaa ka qaxay Degaanadoodii oo hadda ku sugan Duleedka Magaalada Mugdisho halka kuwa kale ay iska joogaan Xaafadahoodii oo ku yaala meelaha nabdoon Magaalada.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inta badan sabab u ah waxbarasho la'aanta Ardeydan soo wajahdey , iyagoo marka ay arkaan Arday lebisan u qaadanaya inuu yahay ama uu ka tirsan yahay kooxaha Kacdoonka wada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda KMG Soomaaliya Maxamed Maxamud Guuleed (Gacmo Dheere) ayaa horey u sheegay in kooxaha Kacdoonka kawada Mugdisho ay adeegsanayaan marka ay duulaanka soo qaadayaan Dharka Ardayda waa sida uu hadalka uu udhigey.
Goobaha Waxbarasho ee albaabada loo laabay waxaa ka mid ah Jaamacadda Muqdisho, Machadka Simad, Dugsiyo dhawr ah oo kuyaala wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.
|