|
Nairobi, (insidesomalia.org) - Jaamacadda Muqdisho oo ka mid ah Jaamacaha ugu waaweyn Dalka Soomaliya ayaa Shir ula jeedadiisu tahay in Deeq waxbarasho loo raadiyo Gabdha Soomaaliyeed ku qabtey Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya .
Jaamacada Muqdisho waxaa ay ka koobantahay 7 Kuliyadood waxaana dhigata Ardey gaareysa 5,283 Arday oo 4,015 ka mid ah ay yihiin Rag halka 1,296 na ay Gabdho yihiin, Sidoo kale Jaamacadda waxaa ka qalin jabiyay intii ay jirtey 1,002 Arday kuwaas oo 810 ka mid ah Rag ahaayeen , halka 192 na ay ahaayeen Haween, sida uu insidesomalia.org uu u sheegey Gudoomiya Jaamacad Mugdisho Dr: Sheekh Cali Dheere.
Jaamacada 10-kii sanno ee ugu dambeeyey waxay waxbarasho lacag la,aan ah siisay 1525 Ardey, tasoo ay ka soo heshay Hay'addo iyo Shaqsiyaad kala duwan.
Waxbarashada guud ee lacag la'aanta ah ee ay Jaamacaddu siiso Ardaydeeda ka sokoow, Jaamacaddu markii ay aragtay Farqiga dhinaca waxbarashada ee u dhaxeeya Gabdhaha iyo Wiilasha, waxay sameysay Barnaamij waxbarasho lacag la'aan ah oo Gabdhaha u gaar ah, looguna Magac daray "Young Women Scholarship" Ayuu yiri Gudoomiya Jaamada Dr: Cali Dheere, tsaas oo loola jeedo sare u qaadidda awooda Gabdha Soomaaliyeed, si loo soo saaro Gabar aqoon leh oo ka qeyb qaadata horumarka Bulshada Soomaaliyeed.
Ololahan lacag uruurinta ah ayay ujeedadiisu tahay sidii waxbarasho lacag la'aan ah loogu heli lahaa 1000 Gabdhood,wuxuuna ka dhacay Hilton Hotel ee Magaalada Nairob ee Dalka Kenya 8-dii Bishan aynu ku jirno.
Shirkan Deeqda waxbarasho loogu raadinayey Gabdha Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeyb galey Jaalliyada Soomaaliyeed ee Nairobi, Hay'adaha Qaramada Midoobay sida UNDP, UNESCO, UNICEF iyo UNAIDS iyo kuwa kale.
Waxaa xusid mudan in 74 Arday isla Goobtii loogu yaboohay Waxbarasho lacag la'aan ah oo 4-Sanno soconaysa. Tirada guud ee illaa iyo hadda la helay waa 304 Arday, halka 696 ka kalena la filayo dhawaan in la helo.
Waxaan ugu baaqeynaa Bulsha weynta Soomaaliyeed, Hay'adaha waxbarashada sare iyo Beesha Caalamka in ay Jaamacadda kala qeyb galaan sidii loo xaqiinjin lahaa waxbarida Ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan Gabdhaha "ayuu Yiri Gudoomiya Jaamacada Muqdisho".
Waxaan mahad ballaaran u celinaynaa dhamaan intii ka soo qeyb gashay iyo intii Gacan ka gaysatay Ololahaan ballaaran ee waxbarashada Gabadhaha Soomaaliyeed lagu horumarinayo.Gudoomiyaha Jaamacad Muqdisho Dr:auu hadalkiisa sii raaciyey Dr:Cali Dheere.
|