Home arrow Tacaliinta arrow Iskuulo Bilaabey Waxbarahsdii Sanad-Dugsiyeedka 2008-2009
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:379
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:83
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:690
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:308
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 04 2008
Iskuulo Bilaabey Waxbarahsdii Sanad-Dugsiyeedka 2008-2009
Written by Ali Moallim   
Friday, 04 July 2008

Muuqalka ardada dugsida Maka Al-MukaramaMogadishu,(insidesomalia.org)- Xaflad lagu maamuusayay bilaabashada Sanad-dugsiyeedka 2008-2009 ee Dugsiyada hoos-taga Jimciyadda Makka Al-Mukarrama oo kala ah Dugsiyada Jaabir Bin Xayaan, Makka Al-Mukarrama iyo Macallin Jaamac ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dugsiga Macallin Jaamac ee Magaalada Muqdisho.

Xafladdaasi oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay Jimciyadda Makka Al-Mukarrama, Guddiga Olombikada Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Waxaa ka hadlay Xafladda Guddoomiye ku xigeenka Jimciyadda Waxbarashada Makka Al-Mukarrama Cabdullaahi Jaamac Xasan, wuxuuna si weyn u soo dhaweeyay dib u bilaabashada Sanad-dugsiyeedka 2008-2009 ee Dugsiyada hoos-taga Jimciyadda Makka Al-Mukarrama, wuxuuna u mahad-naqay mas’uuliyiinta Dugisyada Jaabir Bin Xayaan, Makka Al-Mukarrama iyo Macallin Jaamac oo iyagu soo qaabeeyay xaflad lagu maamuusayay dib u bilaabashada sanad-dugsiyeedka seddexdaas dugsi.

Sidoo kalena waxaa xafladda ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Cabduqaadir Ibraahim Gacal Abkow iyo ku xigeenkiisa Aadan Xaaji Yabarow Wiish, waxayna labaduba sheegeen in ay si weyn ugu faraxsan yihiin in ay ka soo qeybgalaan xaflad lagu maamuusayo dibu bilaabidda sanad-dugsiyeedka Dugsiyada hoos-taga Jimciyadda Waxbarashada Makka Al-Mukarrama.

Intii ay Xafladda socotay ayaa waxaa shahaaddooyin la guddoonsiiyay Guddiyo Waxbarasho oo ay leeyihiin Dugsiyada Jaabir Bin Xayaan, Makka Al-Mukarrama iyo Macallin Jaama, kuwaasi oo lagu abaal-mariyay sabab la xiriirta sidii ay isugu xirayeen sanad-dugsiyeedkii hore Ardayda, Macallimiinta, Maamulka iyo Waalidiinta.

Sidoo kale waxaa iyana la abaal-mariyay Ardaydii seddexaas Dugsi kaalinta koowaad ka galay, waxaana ardaydaas loo ballanqaaday inay Sanad-dugsiyeedka soo socda ku dhigan doonaan lacag la’aan, halka ay bixin lahaayeen lacag dhan 120$, sidoo kalena Arday iyaguna hormuud u noqday Fasallada seddexdaas Dugsi ayaa iyaguna lagu abaal-mariyay in laga bixiyo Buugaagtii ay wax ku baran lahaayeen sanad-dugsiyeedka soo socda.

Intaas kadib waxaa iyagana shahaadooyin iyo Billado la siiyay Koox Kubadda Kolayga ah oo uu leeyahay Dugsiga Jaabir Bin Xayaan, waxaana si gaar ah loo sii abaal-mariyay Macalinka Kooxda Aba-juu iyo labo ciyaaryahan oo lagu kala magacaabo Mandella iyo Afraxow, kuwaasi oo wacdaro ka dhigay Tartankii Horyaalka Koobka Kubadda Kolayga Jen. Daa’uud ee dhawaan la soo gebagebeeyay.

Ugu dambeyntiina, 7-da bishan oo ku beegan Isniinta soo socota ayaa waxaa si rasmi ah u bilaaban doona Sanad-dugsiyeedka 2008-2009 ee Dugsiyada hoos-taga Jimciyadda Makka Al-Mukarrama.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items
< Prev   Next >