|
Hargeysa,(insidesomalia.org)- Xaflad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu furayay Bandhig-buugeedka Caalamiga ah ee Hargeysa (Hargeysa International Book Fair).
bandhigan oo lagu soo bandhigay 200 oo buug, kuwaas oo isugu jira buugaag kala duwan oo ay soo diyaariyeen qorayaaasha reer Somaliland ayaa lagu qabtay Hallka guriga shaqaalaha Dowladda ee Magaalada Hargeysa
Munaasibadda loogu talogalay badbaadinta suugaanta iyo dhaqanka Somaliland oo socotey 21-kii iyo 22-kii bishan oo ku beegan maalmaha Khamiista iyo Jimcii lasoo dhaafey ayaa waxaa lagu soo bandhigey buuggaag kala duwan oo tiradoodu gaadhayso ilaa 200 buug ii isugu jira kuwo ku qoran qoran Af-soomaali iyo qaar ku qoran afafka shisheeye ee aadka looga akhriyo dalka.
Bandhiga oo ahaa kii ugu horaysay ee lagu soo bandhigo nooceeda Somaliland, isla markaana uu soo qaban qaabiyay Qoraaga Caanka Ah ee Jaamac Muuse Jaamac oo ah qoraa reer Somaliland, waxaana gacan ka gaystay qaar ka mida ururada dalka gudihiisa iyo dibadiisa, waxaana ka soo qaybgalay wasiirka wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska, Gudoomiyaha golaha wakiilada iyo ku xigeenadiisa, abwaano, qoraayo, jilayaal, dhalinyaro, culuma,udiin, iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.
waxa kale oo iyana halkaasi goo joog ka ahaa qaar ka mida qorayaasha ugu caansan magaalada Hargeysa waxana wajiyadooda ka muuqatay farxad aad u weyn oo ay u qabeen sida ay u rabaan in ay arkaan mar uun meel lagu ururiyay sidan oo kale dhaqanka iyo fanka suugaanta Soomaalida.
|