Home arrow Tacaliinta arrow Gudoonka Cusub ee Naadiga Ardayda Soomaalida Masar oo Xilkii Lagu Wareejiyay
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:50
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:88
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:261
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:398
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:141
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Sep 23 2008
Gudoonka Cusub ee Naadiga Ardayda Soomaalida Masar oo Xilkii Lagu Wareejiyay
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 23 September 2008

Ardeyda Soomaaliyeed ee Masar Qahira,(insidesomalia.org)- Xaflad si heer sare loo soo agasimay ayaa lagu qabtaya xaurnta Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Masar,xafladaan oo aheed xaflad xil wareejin ah taasoo gudoonkii hore ee Naadiga Ardayda Soomaalieed ee Dalka Maser xilka ugu wareejinayay Gudoonka cusub ee Nadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Masar.

 

Xafladaan xil wareejinta aheed waxaa goob jog ka ahaay gudigii garsoorka doorshadii hore ee dhacday waxaana kamid ahaay gudigaasi sheikh yusuf xuseen jimcaale iyo ustaad maxamed cumar, waxaana gudoomiyihii hore ee Naadira Ardayda soomaalieed Mr Cabdi Qaadir khayre uu xilka ku wareejiyay Gudoomiyaha Cusub ee Nadiga Ardayda Soomaaliyeed Mr Cabdi Nasir Cumar Cismaan oo waxii xiligaan ka biloowda ah guddomiyaha rasmiga ah ee Naadiga Ardayda Soomaalieed ee Dalka Maser.

  

Gudoomiyaha cusub ayaa si farxadi ku dheehantahay kula wareegay xilka cusub waxuuna Balan qaaday in si daacadnimo ka muuqato xilkiisa u gudan doona waxii sacaan ka bilaawdo .

 

Sido kale waxaa loo doortay xilalka kale sida gudoomiya ku xigeenka Naadiga Ardayda Soomaaliyeed Mr Cabdi Qadir Adan Maxamed halka loo doortay Xoghayaha Nadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Masar Mr Maxamuud Axmed Maxamed .

  

Arinta inta badan Jaaliyada Dalka Masar ay hadal heeso ayaa waxaa ay tahay in ay wali jirto garabyadii loo kala jabay xiligii doorashada taaso ay ku macneyeen garabkii doorashada looga adkaaday labadii arday ee u soo baxday in wax jago ah oo weyn aan la siin halka jagooyinkii muhiimka ahayeen ay qateen garabkii Doorashada ku xooga badiyay taas u dhalin karto kala qoqobnaan sii daba dheeraato .

 

Doorashada sanadkaan ayaa noqotay doorashadii ugu qabqabsiga badneed kadib markii Arday Soomaaliyeed oo wato jinsiyada kale laga saaray doorashooyinkii ayagoo la yiri matihiin Soomaali iyo wax lamid ah.

 

Gabagabadii Xalfada ayaa waxaa lagula dardaarmay gudoonka cusub Naadiga Ardayda Soomaaliyeed iyo kii horaba in lasoo caliyo shantii soomaaliyeed lana dabar gooyo arinta ah adiga matihid Soomaali ayadoo lo ogyahay in qafka Soomaali yahay.

  

Si kastaba ha ahaate gudoonkii hore ee naadiga ardayda Soomaaliyeed ayaa waxay soo bandhigeen wax qabadkooda ayagoo lo ogaay in ay qabteen rixlooyin muhiim ah iyo waliba tartan aqooneedyo sidoo kale waxay sameyeen dayac tir balaaran iyagoo ku xardhay gidaarada Naadiga ardayda Soomaaliyeed Calanka Soomaaliya .

 

ugu danbayntiina gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Soomaaliyeed oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan SYO Cabdi Rixmaan Tuuryare ayaa kula taliyay gudoonka cusub ee Naadiga Ardayda Soomaaliyeed in xilkooda u gutaan si wadaniyad iyo is jaceyl Soomaaliyeed ku dheehantahay kana saaraan meesha qubqubnaata isagoo intaas raaciyay in dhalinyarada ay yihiin hurmuudka bari .

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

          Next Page>>

< Prev   Next >