Home arrow News in Somali
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:323
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:146
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:118
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:458
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 22 2008
Dood Cilmiyeed ku Saabsan Dhowrista Xuquuqda Caruurta oo Muqdisho Lagu Qabtay
Written by Ali Moallim   
Sunday, 22 June 2008

Muqdisho,(insidesomalia.org)- Hotelka Jidda ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay Dood Cilmiyeed ku saabsan dhowrista Xuquuqda Caruurta, kaasi oo ay ka qeybgaleen Dad aad u faro badan oo ka socday Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Dood Cilmiyeedkan oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Ilaalinta Caddaaladda, isla markaana ay maalgelisay Hay’adda NOVIB ayaa wuxuu socday hal maalin, waxaana ujeedka laga lahaa ay ahayd sidii Dadka Soomaaliyeed loogu baraarujin lahaa in ay dhowraan Xuquuqda Caruurta, gaar ahaan kuwa aan xanaanada heysan ee Derbi-jiifka ah.

Furitaankii Aqoon Isweydaarsigan waxaa ka hadlay Agaasime ku xigeenka Ururka Ilaalinta Caddaaladda Maxamuud Cali Maxamed, kaasi oo furitaankii Dood Cilmiyeedka kadib jeediyay khudbad ku aadaneyd ujeedada ay u qabteen Dood Cilmiyeedka, wuxuuna sheegay in kadib markii ay arkeen tacaddiyada loo geysto Caruur badan oo Soomaaliyeed ay go’aansadeen in ay qabtaan Doodo banaanka lagu soo dhigayo dhibaatada ay Caruurta qabaan iyo sida loogu baahan yahay in la dhowro xuquuqdooda.

Agaasime ku xigeenka oo u mahadceliyay Hay’adda Maalgelisay Dood-Cilmiyeedka ee NOVIB wuxuu tusaale u soo qaatay tacaddiyo ay la kulmaan Caruurta Kabaha dhalaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in mararka qaarkood ay dhacdo in loo diido lacagta ay xaqa u yeeshaan kadib marka ay qof Kabo u dhalaaliyaan.

Dood Cilmiyeedkan ayaa ka qeybgalayaashii isugu yimid waxay isku aragti ka noqdeen in ay Caruurta Soomaaliyeed ka maqan tahay Xuquuq Aasaasi ah oo ay lahaayeen, isla markaana iyadoo ay xuquuqdaas ka maqan tahay ay hadana ay u sii dheer tahay in lagu sii xad-gudbo.

Gebagebadii Dood Cilmiyeedkan ayaa waxaa laga soo saaray baaq ku saabsan in la dhowr Xuquuqda Caruurta, isla markaana meel looga soo wada jeesto kuwa ku xad-gudba Xuquuqda aas-aasiga ah ee Caruurta ee ay wada qeexayaan Shareecada Islaamka, Baaqyada Caalamiga ah ee Xuquuqda Caruurta iyo weliba Dhaqanka Suuban ee Soomaalida.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items
< Prev   Next >