|
Muqdisho,(insidesomalia.org)-Dalladaha waxbarashada ee ku yaalo Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in laga hortago dhamaan wixi dhib ku ah goobaha Waxbarashada, ardayda, iyo barayaasha.
Kulan ay isugu yimaadeen xarunta Dallada SAFE ee degmada Hodan ayaa dhamaan Daladaha wax barashada waxaa ay ku sheegeen in ay tahay wax laga yax yaxo in la beegsado gobo ay ka socoto wax barasho kuwaas oo hadana dhibaato la gaarsiiyo.
Cabduqaadir Cumar Rooble oo ka mid ah madaxda dhinaca waxbarashada oo ka hadlay kulanki ay isugu yimaadeen dhamaan Daladaha waxbarashada ee Gobolka Banaadir,ayaa ka codsaday Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir in aysan ku xadgudbin ciidamdooda Iskuulada iyo dugsiyada waxbarashada ee ku yaalo degmooyinka Magaalada Muqdisho.
Kulankaasi ee ay isugu yimaadeen bahda waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa waxaa laga soo saaray baaq iyo canbaareyn loo jeediyey dadki ka danbeeyey fal asbuucaan ka dhacay Dugsiga SYL ee degmada Hodan kaasoo ay askar ka tirsan ciidamada Doweladda ku dhaawaceen 5 ruux oo isugu jiray arday iyo macallimiin.
Waxaa ay ugu baaqeen dhamaan dhinacyada isku hayo magaalada Muqdihso,in ay ixtiraamaan goobaha wax lagu barto ee magaalada Muqdisho,si fursad loo siiyo waxbarashad oo ah furaha 1aad ee hour marka wadan walbaa.
Kulankaan ayaa waxaa uu jawaab u ahaa dhibaatooyin bilooyinkii dhawaa lasoo gudboonaaday iskuuada kala duwan ee magaalada Muqdisho gaar ahaan dhacdooyin asbuucii dhawaa qabsaday labo iskuul oo uu ka mid ahaa dugsiga SYL, kaasoo lagu dhaawacay qaar ka misd ah barayaasha iyo ardayda dugsigaasi.
Tan iyo marki ay biloowdeen dagaaladi ba,naa ee magaalada Muqdisho 2006 waxaa meesha ka baxay iskuulo iyo jaamacado ay wax ka baran jireen arday kumanaan ah,kadib markii goobahoodi wax barashada ay noqdeen meelo furun dagaal ah oo lagu hardamo.
|