|
Bosaso,(insidesomalia.org)-Qeeybaha kala duwan ee aqoon yahanada ku dhaqan deganada puntland gaar ahaan kuwa ku dhaqan magalada bosaaoo gobolka bari ayaa soo dhaweeyay in laga hir galiyo jamacadii labaad ee ka howlgasha gobolka bari.
aqoonyahanadaan hadalkooda ku adan so dhaweeynta ayaa timid ka dib shalay xaflad lagu furay xarigana looga jaray jamacada muqdisho faraceeda puntland oo laga hir galiyo deganada pntland gaar ahaan magalada boosaso ee xarunta gobolka bari.
Enginer cabaas siciid jabriil waxa uu ka mid yahay aqoon yahanada soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ka howlgala magalada boosaso ayaa isagu sheegay in Aqoon yahanada keenay jamacada muqdisho oo iyagu waligood fidinayay aqoonta iyo diinta islaamka oo ku dhax jiray dhibka iyo rafaadka 18 sano ka socday casimada soomaaliya in Maanta aay tahay wax si aada loogu farxo hor marka wax barasho ee madaxda jamacada muqdisho aay keeneen degaanada puntlan ayuu yiri mar uu shalay ka hadlayay xaflad shalay xarunta looga jaray xariga jamacada muqdisho faraxeeda puntlan
Dowlad Goboleedka PuntlaLand ayaa iyaguna sheegay in ay soo dhaweeynayaan faraca jamacada Muqdisho ee laga furay gudaha xarunta gobolka bari, gaar ahaan magalada bosaaso taaso uu sheegay wasiirka wax barashada Puntland isla markana uu ku tilmamay cid walba oo horumarineeysa wax barashada degaanada puntlan in aay soo dhaweeynayaan .
sidoo kale isimada , nabadoonada iyo qeeybaha kala duwan ee wax barashada gobolka bari ayaa iyagu sheegay in aay si aad ah usoo dhaweeynayaan horumarka wax barasho ee aay wado jamacada Muqdisho faraceeda puntland.
jamacada muqdisho oo ayadu farac ka furatay degaanada puntlan ayaa la furay sanadii 1997 waxayna ka qeeb gashay jamacada 11aad kuwa ugu horeeya qarada Africa waxa aayna ka kooban tahay 7 kulyadood 22 taqasuus waxana ka qalin jabiyay oo shahado heer calamiya ka qaatay8 dufcadood, ilaa iyo intii la aas,asay jamacada Muqdisho oo faraceeda laga furay shalay Magalada bosaaso ee xarunta gobolka bari
|