|
Liibiya,(insidesomalia.org)- In ka badan 50 Tahriibayaal Soomaali ah oo isugu jira, Caruur, Haween iyo Dad waa weyn ayaa waxay Doon kula ciladowday Badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga.
Tahriibayaashan oo dhamaantood Soomaali ah ayaa waxay kula soo xiriireen Taleefoonka Sattelite-ka ee Thuraya-ha Idaacadda BBD-da, waxayna u sheegeen in ay Doontii ay saarnaayeen ay kula sabbeyneyso Badda u dhaxeyso Liibiya iyo Talyaaniga.
Mid ka mid ah Dadkaas oo Taleefoonka hayay ayaa wuxuu sheegay in aysan ogeyn jiho ay Doonta ula socoto, wuxuuna sheegay in uu raashinkii ka dhamaaday, xaaladooda ay halis ku jirto.
Dadkani oo ka tegay Xeebaha Dalka Liibiya ayaa waxay sheegeen in ay ku sii jeedeen Dalka Talyaaniga, balse ay Doontii uga ciladowday meel dhexe oo aysan xitaa dadka Doonta saaran sheegi waayeen halka ay ku beegan tahay.
Tahriibayaasha Soomaalida ah ee ka talaabada Badda Mediterenian-ka si ay u gaaraan Dalka Talyaaniga ayaa waxay beryahan noqdeen kuwo sii caqliyeysanaya, waxayna iibsadaan inta aysan Badda gelin Taleefoonka Sattelite-ka ee Thuraya-ha, si marka ay xaaladda ku xumaato ay ugu qeylo dirsadaan Dowladaha Talyaaniga ama Malta, waxaana qorshahaas ku badbaaday Tahriibayaal badan oo markii ay la xiriireen Dowladahaas loo soo gurmaday.
|