Home arrow Safar arrow Saanad Militiro oo Horleh oo Lookeeney Ciidamada Itoobiya
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:336
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:79
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:673
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:297
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Apr 22 2008
Saanad Militiro oo Horleh oo Lookeeney Ciidamada Itoobiya
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 22 April 2008

Afgooye,(insidesomalia.org)- Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in ay saaka halkaas ka soo gudbeen Gaadiid badan oo darbaallo ay ku shiraacan yihiin, kuwaasi oo ay galbinayeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan.

Dad ku sugan Degmada Afgooye iyo Deegaanka Lafoole oo gaadiidkan arkay ayaa waxay sheegeen in ay ahaayeen kuwii ugu badnaa oo ay arkaan tan iyo intii ay Ciidamada Itoobiyaanka saadka soo marsiisanayeen Wadadaas, waxayna intaas ku dareen in ay ula muuqdeen waxa ay gaadiidkaas wadeen saanad mileteri oo u socota Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Intii ay gudubsanayeen saanaddaas Mileteri ayay Ciidamada Itoobiyaanka hakad geliyeeen isu socodkii dadka iyo Gaadiidka ee Wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, taasi oo haatan ay si weyn u isticmaalaan Dad badan oo ka barakacay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Itoobiyaanka oo muddo sanad ka badan ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda u ah Dalka Soomaaliya ayaa waxay mudadaas sanadka ka badan ay dagaallo kula jiraan Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo ay maalmihii ugu dambeeyay ku dagaalamayeen xaafado ka tirsan Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Saanadda Mileteri ee la sheegayo in ay u timid Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxay muujineysaa sida aaney Ciidamada Itoobiyaanka ugu soo dhaweyn in ay ka baxaan Dalka Soomaaliya, waxayna taasi wel wel hor leh ku sii abuureysaa dadka ku dhaqan Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo haatan qaati ka jooga dagaallada ay dushooda isku weydaarsadaan Ciidamada Itoobiya iyo Xoogagga ka soo horjeeda.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >