|
Boosaaso,(insideomalia.org)- In ka Badan 54 Nabaddoon oo ka tirsan Gobolka Nugaal oo shir isugu yimid,kaas oo loogahadlayay Amaanka Punland ayaa waxaa ay ka soo saareen qodobo ku aadan bur cad badeedii lagu soo qab qabtay Xeebaha puntland, kuwaasi oo haatan laguhayo Boosaaso.
Waxayna Odiyaashaasii kubaaqeen in Sharciga la Horgeeyo waxa ay muteysteena Lamariyo rqgaasi burcada ah ee lasoo qabtey ayagoo kujira fal wax udhimi kara deganaasgah Putlad.
Nabad doonadaan oo dood dheer ka qaatay qodobadan ay soo saareen ayaa waxa ay ku lafa gureyn sidookale amaanka guud ee Deegaanada Puntland gaar ahaana Magaalada Garoowe.
Sidoo kale odiyaasha ayaa waxay war cad kazoo saareen in Qofkii si sharci daro ah Qof ku dila in isna la dilo oo aan laga qaadan wax Mag ah, waxaana ay ku dheeraadeen arinta Burcad Badeeda oo beryahan dambeba ku soo badanayay deegaanada Puntland.
Nabaddoonadaan oo kor u dhaafaya 50 ayaa siweyn waxaa ay uga doodayeen xaalada amaanka, waxayna amaan u soojeediyeen Ciidamada Ilaalada Xeebaha Puntland talaabada ay ku dhaqaaqeen Burcada, taas oo keeneysa in ay hoos u dhac ku yimaneyso Burcad Badeedka Caadeystay in marwalba ay aAfduubtaan Maraakiibta Shesheeye.
|