Home arrow News in Somali
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:234
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:105
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:93
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:416
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
May 27 2008
Markab Laga Leeyahay Wadanka Holland uu Lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya
Written by Miikaahiil Rashiid Bare   
Tuesday, 27 May 2008

Muqdisho, (insidesomalia.org)- Burcad Badeed Soomaaliyed ayaa la sheegayaa in ay afduubtteen Markab laga leeyahay Wadanka Holland, kaasi oo la sheegay in uu marayey Xeebaha Wadanka Soomaaliya

Maarkabkaani ayaa waxa uu ku sii jeeday Dekada Magaalada Constanza ee Wadanka Romania,waxaana xaqiijiyay in la afduubtey Milkiilaha Markabkaasi oo u dhasahay Wadanka Holland iyo nin ka tirsan Kooxda Bad Mareenada Caalamiga oo isna u dhashay Wadanka Kenya.

Markabkaani oo ninka is kaleh lagu Magacaabo Raider ayaa waxa uu tilmamay in Markabkaasi lagu Afduubtay Xeebaha Gacanka Cadmeed gaar ahaan Xeebaha Soomaaliya.

Shaqaalaha Markabkaan saarnaa ayaa waxaa ay ka koobnaayeen 4 u dhashay wadanka Russia iyo 5 u dhashay wadanka Filipin,waxaana dhamaan qaraabada dadkaasi lagu wargaliyay in dadkaasi iyo Markabkii ay saarnaayeen guud ahaantood la waayay.

Milkiilaha Markabkaani ayaa aaxa uu walaac ka muujiyay afduubka Markabkaasi, isagoo sheegay in muhiimada koobaad ay tahay Bad baadinta nolosha dadka Markabkaasi saarnaa.

Markabkaan la sheegay in lagu afduubtay Xeebaha Wadanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu Magacaabaa MV Amiya Scan, wuxuuna seday shixnad uu ka soo qaaday Dekad ku taala Wadanka Kenya gaar ahaan Magaalada Mombassa.

Kooxda Badaha Caalamiga ninka Caawiyaha u ah ee u dhashay Wadanka Kenya oo lagu magacaabo Mwangura ayaa waxa uu sheegay in Markabkaani xiriirkiisa la waayay 19 Bishan May, kaasi oo markaasi marayey Xeebaha Soomaaliya.

Jimcihii la soo dhaafay ayaa Burcad Badeed Soomaali ah waxaa ay sii daayeen Markab u rarnaa Ganacsato Soomaaliyeed oo laga lahaa Wadanka Urdun, Kaasi oo laga afduubtay Xeebaha Wadanka Soomaaliya.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >