Home arrow Safar arrow Markab Dalxiis oo Somaliaya Lagu Afduubtey
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:234
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:105
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:93
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:416
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Apr 04 2008
Markab Dalxiis oo Somaliaya Lagu Afduubtey
Written by Ali Moallim   
Friday, 04 April 2008

Mogadishu,(insidesomalia.org) Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Dalka Faransiiska ayaa qirtay afduubka kooxo Burcad badeed ay ugu geysteen Xeebta Wadanka Soomaaliya Markab nooca lagu tamashleeya ah oo laga leeyahay Dalkaasi Faransiiska.

Hadal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Dalka Faransiiska ayay ku sheegtay in uu jiro qafaalka lagula kacay Markabka Faransiiska, waxayna Wasaaradda sheegtay in falkaasi uu yahay wax laga xumaado.

Markabkan ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay “Ponant” waxaana lagu qafaashay Badda u dhaxeysa Yemen iyo Soomaaliya.

Waxaa Markabka saran Shaqaale gaaraya 30 ruux, balse xilliga afduubka ma saarneen wax dalxiisayaal ah ama rakaab, waa sida uu u faahfaahiyay Hadalka Christophe Prazuck oo ah afhayeenka goor sii horreysay u hadlay Ciidamadda Dalka faransiiska.

Markabka ‘Ponant” ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ah Maraakiibta lagudalxiiso ee ay afduubtaan kooxaha Burcad badeed ah ee dhibka ku haya Xeebaha Dalka Soomaaliya, iyada oo goor sii horreysay uu si darqi ah uu kaga baxsaday Burcad badeeda Marka ay saarnaayeen dalxiisayaal faransiis ah.

Hase yeeshee waxaa jira Maraakiib isugu jirta Ganacsiga, samofal iyo kalluumeysiga oo kooxahan ka qawleysatay Xeebaha Soomaaliya ay dhowr jeer ku af duubteen Xeebaha Dalka, taasi oo ka dhigtay Soomaaliya Xeebaha ugu khatarsan caalamka.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page          

< Prev   Next >