Home arrow Safar arrow Kooxda Kubada Cagta Banaadir Telcom oo ka Badisay Kooxda Fitalo ee Burundi
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:320
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:145
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:116
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:456
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 15 2008
Kooxda Kubada Cagta Banaadir Telcom oo ka Badisay Kooxda Fitalo ee Burundi
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 15 July 2008

Ciyartotey Soomaali ahTanzania, (insidesomalia.org) - Kooxda Kubadda Cagta Banaadir Telcom oo heysata Horyaalka Kubadda Cagta Dalka Soomaaliya ayaa galabta waxay ka badisay Kooxda Fitalo oo iyadana heysata Horyaalka Dalka Burundi.
 
Labada Kooxood oo isaga horyimid ciyaar ka tirsaneyd Tartanka Kooxaha Horyaallada Dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo ka dhacaya Dalka Tanzania ayaa waxay labada kooxood qeybtii koowaad ee ciyaarta isla dhaafi waayeen 0-0.
 
Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed Kubadda Cagta Cali Saciid oo insidesomalia.org u waramayay in markii ay labada kooxood isugu soo laabteen ciyaarta qeybteeda labaad ay Kooxda Soomaalida daqiiqadii 14aad dhalisay goolkii ugu horeeyay, kadibna ay kooxda Fitalo ee Dalka Burundi ay daqiiqadii 88aad dhalisay goolkii barbar dhaca, balse labo daqiiqo kadib ay Kooxda Soomaalida dhalisay goolkii guusha, sidaasna ay guusha ku raacday Kooxda Banadir Telcom ee Soomaaliya.

Labada Gool ee ay Kooxda Soomaalida la timid ayaa waxaa u kala dhaliyay labo ciyaaryahan oo lagu kala magacaabo Edwardo iyo Nuune oo ay Kooxda Banaadir Telcom ka soo wadatay Dalka Kenya.

Cali Saciid waxaa uu sheegay in ay Kooxda Soomaalida muujiyeen ciyaar wanaag, isla markaana ay awood iyo karti la soo baxeen intii ay ciyaarta socotay, wuxuuna rajo ka muujiyay in ay Kooxda Soomaaliya meteleysa ay ciyaaraha soo socda guul ka keeni doonto.

Waxaa xusid mudan in Kooxda Banaadir Telcom ay guusha ku gaartay 9 ciyaaryahan kadib markii ciyaarta oo socota kaarka cas loo taagay ciyaaryahan Yaasiin Cali Cigaal, waxayna taasi muujineysaa sida ay isu soo diyaarisay Kooxda Kubadda Cagta Banaadir Telcom.

Kooxda Banaadir Telcom ayaa waxay kulankeeda labaad la yeelan doontaa Kooxda Simba ee Dalka Tanzania, waxaana la rajeynayaa in ay iyadana guul ka soo hoyn doonto, inkastoo Kooxda Simba dalkeeda lagu ciyaarayo guuldarro-na ay qabto oo horay looga soo badiyay.
 

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >