Home arrow Safar arrow Koox Dabley ah oo Doon ku Afduubtay Xeebaha Soomaaliya
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:409
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:86
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:709
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:315
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Apr 21 2008
Koox Dabley ah oo Doon ku Afduubtay Xeebaha Soomaaliya
Written by Ali Moallim   
Monday, 21 April 2008

Puntland,(insidesomalia.org)-Wararka naga soo gaaraya Xeebaha Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in koox dabley ah oo Soomaaliya ay mar kale qafaasheen Doon kuwa Xamuulka ah oo laga leeyahay Dalka Spain,ka dib markii usoo galay sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Spian saacadu markii ay ahayd 01:00Pm ee duhurnimadii Axadda.

Wasiirku wuxuu sheegay in Doontaan ay la socdeen Shaqaale gaaraya ilaa 26 ruux oo isugu jira Spanish iyo African,dhamaantoodna wuxuu sheegay inay nabad qabaan oo ay saran yihiin Doonta la haysto.

Wali ma cadda goobta lagu afduubay Doontaan,lamana garanayo cidda afduubtay iyo qorshahooda,waxaase jira kooxo ka caadaystay qafaalashada Maraakiibta iyo doonyaha soo gala Xeebaha Soomaaliya.

Dhinaca kale ma cadda Qorshaha Doonta Spanish-ku ay kasoo doontay Xeebahan ay qowlaysatadu dagan tahay ee xataa Hay’adaha Gargaarka iyo aduunyaduba ka qayliyeay ka waasheen.

Dhawaan ayey ahayd markii koox dabley ah oo Somali ahi ay qafaasheen Markab dalka Fransiiska laga leeyahay,taasi oo sababtay ugu danbayn in la qafaasho lix ka mid dadkii afduubka u gaystay Markabka,iyagoo haatan ku xiran dalka Fransiiska.

Kooxaha Ku shaqaysta Qalfaalashada doonyaha iyo Maraakiibta ayaa iyagu inta badan ka qaata lacago madax furasho ah,kuwaas oo inta badan baqdin galiya Maraakiibta iyo Doonyaha iyaguna Jariifka ka wada Xeebaha Baylahda ah ee Soomaaliya.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >