|
Ilaada Xeebaha Puntlad oo Burced Badeed Qabtey |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Tuesday, 22 April 2008 |
|
Puntlad,(insidesomalia.org)-Dagaal mudo socoday ayaa waxa uu saaka waabarigii dhexmaray Ciidamada ilaalada Xeebaha ee Maamulka Puntland, iyo Koox Budhcad Badeed ah oo Dooni ka Afduubtay Dekeda Magaalada Bsoaaso, dagaalkaasi ayaa waxa la sheegay inuu ahaa mid mudo lays dhaafsanayay Rasaas, iyada oo sida la sheegay mid ka mid Burcadasi uu geeriyooday halka lix kamid ah Burcada Gacanta lagu soo dhigay.
Warar hordhac ah oo dagaalkaasi ka soo baxaya ayaa waxay kaloo ay sheegayaan in Burcadaasi haatan lagu hayo Saldhig ku dhexyaala gudaha Dekeda Bosaaso.
Dhanka Ciidamada Puntland ayaa waxa la sheegay inuu jiro khasaare ka soo gaaray Dagaalkaasi walaw ay saraakiisha amaanka ee Puntland ka gaabsadeen in ay inta uu leegyahay khasaarahaasi ay Saxaafada usheegaan, in kastoo warar hoose ay sheegayaan in Ciidamada Bada ee Puntland laga dhaawacay Labo Askari.
Arinkaasi ayaa timid kadib markii Koox Burcad ah ay Dooni ganacsi Marsada Bosaaso u jirtay 7 Mayl ay afduubeen, kuwaasi oo sheegay in ay doonayaan lacag madax furasho ah.
Dhanka kale wararka naga soo gaaraya Magaalada Dubai ayaa sheegaya in Dawladda Imaraadka ay hakad galisay Gaadiidka Bada uga soo boqoolaya dhanka Bosaaso iyaga oo arintaasi sabab looga dhigay amaanka shaqaalaha maraakiibta.
Weerarka Ciidamada Puntland ku qaadeen koxdaan burcad badedka ah ayaa noqneysa talaabadii ugu horeysay oo Maamulka Cadde Muse uu ka qaado koxaha afduubka ka gaysta Xeebaha Maamul Goboleedka Puntlad.
|