|
Gaari Rakaab ah oo La rasaaseeyay |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Thursday, 14 February 2008 |
|
Baydhabo, (insidesomalia.org) Hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, ka dib markii koox maleeshiyo ah ay ku rasaaseeyeen Gaari rakaab ah inta u dhaxeysa Magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.
Wararka aan ka heleyno halkaasi ayaa waxaa ay xaqiijinayaan in gaariga nuuciisa uu ahaa HOMY, isla markaana halkaasi qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira Dad rayid ah ay kasoo gaareen.
Falalka sidan oo kaleeta ah ayaa waxaa ay yihiin kuwo soo laa laabtay, mana jiraan cid isku howshay wax ka qabashada arrimahan oo dhibaatada ugu badan Dadka Shacabka ay kasoo gaareyso.
Dadka dhaawac kasoo gaaray falkaasi oo goor dhoweyd ka dhacay wadada Muqdisho iyo Baydhabo isku xirta ayaa lagu soo waramayaa in goobaha caafimaadka loola carararay.
|