|
Jowhar (insidesomalia.org) - Dabley hubeysan ayaa waxay xalay dhac ugu geysteen agagaarka Garoonka diyaaradaha ee Jowhar oo ku yaalla duleedka waqooyi gaari Mini-bus ah oo ku wajahnaa Gobollada dhexe kana ambabaxay Magaalada Muqdisho.
Dableyda dhaca geystay ayaa waxaa halkaas u taalay isbaaro sida ay sheegeen rakaabkii gaarigaas la dhacay la socday, waxaana kooxahaan burcadda ahi ay ka qaateen rakaabkii wax walba oo ay wateen.
"Waxaa si lama filaan ah noo joojiyay kooxo burcad ah, waxayna nagu amreen inaan gaariga ka soo dagno iyagoo noogu dhaqaaqay baarasho; wax walba oo aan wadanyna way naga qaateen" ayay tiri haweeney ka mid dadkii gaarigaas la socday.
Haweeneydan waxay sheegtay inaysan jirin wax kufsi ah oo loo geystay, iyadoo sidoo kalena rakaabka aan lagula kicin wax jirdil ah iyo dhibaateyn kale, balse kooxuhu ay ka qaateen xitaa dharkii ay wateen.
Dhaca gaarigaan loo geystay ayaa kusoo beegmay iyadoo ciidamada Maxkamaduhu ay wadaan roondooyin ay kula dagaalamayeen buracadda isbaarooyinka dhigta wadooyinka Gobollada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan.
Sidoo kale gaariga la dhacay ayaa wuxuu kusoo beegmay iyadoo bandow uu saaran yahay Magaalada Jowhar habeenkii labaad, waxayna saraakiisha Maxkamduhu sheegeen inay ku sugayaan ammaanka Gobolka oo dhan gaar ahaan kan Jowhar.
|