|
Muqdisho, (insidesomalia.org)-Dowlada Faransiiska ayaa sheegtay in ay xiriir la sameeysay kooxaha burcad badeeda ah ee dhawaan xeebaha Dalka Somaliya ku Afduubtay markab laga leeyahay Dalka faransiiska.
Dowlada faransiiska ayaa waxa ay sheegtay in ay xiriir la sameeysay burcad badeeda Gacanta ku haysa markab laga leeyahay wadanka faransiiska oo ay saarnaayeen 30 qof oo ah shaqaalihii markabkaasi ka mid ah laguna heeysto xaabaha wadanka Somaliya lana sheegay in uu ku soo xirtay habeenkii Axada xeebaha gobolada puntland .
Wasiirka arimaha dibada ee dalka faransiiska Bernard kouchner oo uu waramay radio farce ayaa tilmaamay in ay xiriiro la sameeyeen kooxaha burcad Badeeda ee xeebaha wadakana Somaliya ku haysta markab nuuca dalxiiska ah, waxaana wasiirku sheegay in laga yaabo in ay qaadato waqti dheer.
Inkastoo Wasiirka arimaha dibada ee dalka faransiiska uu sheegay in ay xiriiro la sameeyeen kooxaha Afduubta ku haysta markabkaasi hadana meesha kama uu san saarin in ay bixinayaan madax furasho hadii loo baahdo in la sii daayo shaqaalahaan oo ka kooban 30 qofood kuwaasi 20 ka mid ah dhalashooda ay tahay faransiiska halka 10 kale dhalashadooda ay tahay wadanka Ukraine.
Wasiirka difaaca ee dowlada faransiiska Heve Morin ayaa waxa uu sheegay in aysan jiri doonin wax xoog ah oo lagu soo furanyo markabka lagu haysto xeebaha wadanka Somaliya ilaa inta laga xaqiijinayo amaanka shaqaalaha saarnaa markabkaasi.
Kooxaha burcad badeeda ayaa waxa ay yihiin kuwo aad u hubeysan kuwaasi oo dagaal lagali kara cidii isku dayda in ay xoog ku soo furato shaqaalaha la socda markabkaasi.
Inta badan burcad badeeda Soomaalidu waxa ay madax furasho ka dalbadaan maraakiibta ay qabsadaan iyadoo bishii aan soo dhaafnay ee March bartamaheeda markab Dowladda Russia leedahay oo ay la socdeen 6 ka mid ah shaqaalaha markabkaasi lagu sii daayay madaxfurasho gaareysa $700.000 oo kun US Dollar.
|