|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Darawalada Gadiidka Isaga kala goosha Gobolada Koofurta Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ka cabanayaan kooxo Burcad ah oo dhac iyo baarasho u geeytsa Rakaabka iyo gaadiidka.
Gaadidka nuucyadiisa kala duwan ee ka dhex shaqeeya Gobolada Koonfurta Soomaaliya iyo Magalada Muqdisho ayaa xiligan sheegaya in ay dhibaato baaxad leh ku qabaan kooxo burcad ah oo si lama filaan ah wadadooyinka u soo gala, gaar ahaan inta u dhexeeysa Degmada Wanlaweyn iyo deegaanka Warmaxan ee Gobolka Shabelaha hoose.
Wadayaasha gaadiidkani ayaa tilmaamaya in dhibaatooyinka ay ka mid yihiin burcada oo rasaas ku joojisa gaadiidka dabadeetana kula dhaqaaqa falaal isugu jira jir dil iyo dhac, waxaana ay intaasi raaciyeen in qeybo ka mid ah wadada dheere aysan laheeyn kooxo burcad ah, kadib markii howlgalo burcad sifeeyn ah ka sameeyeen xoogaga ka soo hor jeeda Dowoladda KMG ah ee Soomaaliya gaar ahaan inta u dhexeeysan degmooyinka Wanlaweyn iyo Burhakaba oo kawada Tirsan Gobolada Bay iyo Shabelaha hoose.
Mid ka mid ah darawalada Gaadiidka xamuulka ah ee isaga kala goosha wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya oo Idaacadaha Lokolka u waramayay ayaa waxaa uu sheegay in gaari uu waday ay kooxahaasi ku baarteen meel u dhaw deegaanka Warmaxan shalayna ay gaari iyo rakaabkii saarnaa ku rasaaseeyeen islahalkaasi, taasi oo dhalisay dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah rakaabkaasi.
Darawalada iyo rakaabka isticmaala wadadaasi ayaa waxaa ay ka codsadeen cid waliba oo wax ka qaban karta kooxahaasi in ay ka qaadaan talaabo ay ku hakinayaan dhibaatooyinka ay geeysanayaan kooxahasi burcada ah.
Bilihii ugu danbeeyay wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Koonfureed ee Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo badanayay kooxo burcad ah oo dhibaatooyin kala duwan u geeysta gaadidka iyo rakaabka saran, taasi oo dhalisa dhibaatooyin kala duwan oo soo gaara dadka Rakaaka ah ee kusafra wadadaasi dhere.
|