Warshiikh,(insidesomalia.org)- Gaari kuwa xamuulka qaada ah ayaa waxaa uu kuqalinmey Degmada warshiik ee Gobolka Shabelaha dhexe,kaasoo arkii hore ka anbabaxay Magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeday Degmada Cadalle.
Gaarigani rogmaday ayaa waxaa ku dhawacmay dad gaaraya 4 ruux oo dhamaanatooda wada ahaa dadkii rakaabka ahaa ee gaarigaasi saarnaa oo 2 ka mid ah ay ahaayeen haween.
Dadka dhawacamay ayaa xalay waxaa la soo gaarsiiyay Isbitaalka Keysaneey ee Magaalada Muqdisho si wax looga qabto xaaladooda Caafimaad sida uu sheegay Shiikh Cabdiraxmaan Macalin Axmed oo ka mid ahaa wax garadka Degmada Warshiikh.
Rogmashada gaarigani iyo kuwa kale oo halkaasi ku qalibmay hada kahor ayaa waxaa loo aaneeynayaa dhulka ay maraan oo ah meelo bacaad uu hareeyay, mana ahan markii ugu horeeysay ee shil gaari uu ka dhaco halkaasi, dhawaan ayeey aheeyd markii hal qof uu ku dhawacmay gaari ku rogmaday halka uu hada gaarigani xamuulka ahi ku qalibmay.