Home arrow Safar arrow Dad Qaxooti ahaa oo Lasii Barakiciyey
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:405
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:86
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:709
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:314
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Apr 08 2008
Dad Qaxooti ahaa oo Lasii Barakiciyey
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 08 April 2008

Muqdisho,(insidesomalia.org)- Dadkii ka barkacay dagaallada iyo nabadgelyo la’aanta ka jirta Magaalada Muqdisho ee ku sugnaa inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa xalay waxay ka sii barakaceen meelihii ay ku noolaayeen.

Dadkani oo ku noolaa Deegaanka Lafoole iyo nawaaxigiisa ayaa waxaa sii barakicitaankooda sabab u ahaa ciidamo Itoobiyaan ah oo dul-degay, isla markaana bilaabay in ay xiliga habeenkii sameeyaan dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah dadka halkaas ku nool.

Dadkani oo isugu jiray Dumar, Caruur, Dad Waayeello ah iyo weliba Dad Da’ dhexaad ah ayaa waxay xalay ku hoydeen meelo ka durugsan hadlkii ay ku noolaayeen oo awalba ahaa Aqallo ay ka sameyteen Hreeraha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, iyagoo ka baqayay in ay dhibaato u geystaan Ciidamada Itoobiyaanka.

Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa waxay fariisinka ka sameysteen Deegaanka Lafoole kadib markii dhowr jeer oo hore qaraxyo loogu geystay deegaankaas, isla markaana uu soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur gaadiid.

Dhanka kalena, waxaa iyana cabsi taas la mid ah muujinaya Dadka ku dhaqan Deegaanka Ceelasha Biyaha, kuwaasi oo ay iyana meel aan u dheereyn ay fariisin ka sameysteen Ciidamo Itoobiyaan ah, walow aysan wax dhaqdhaqaaq ah sameynin Ciidamadan degay nawaaxiga Ceelasha.

Odayaal iyo Waxgarad ku sugan Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxay la kulmeen Saraakiisha horkaceysa Ciidamada soo dul-degay, kuwaasi oo ay u sheegeen in deegaankooda uu yahay mid nabdoon oo ay ku nool yihiin Dad horay uga soo barakacay Magaalada Muqdishom halka ay Saraakiishuna sheegeen in lagu soo wargeliyay in ay Deegaankaas joogaan Kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.

Ugu dambeyntiina, Dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho ee ku sugnaa inta u dhaxeysa Magaalooyinka Afgooye iyo Muqdisho ayaa waxay aad uga walaacsan yihiin Ciidamada Itoobiyaan ah ee soo dul-degay, iyadoo Dadkaasi qaarkood ay haatan qorsheynayaan in ay dib ugu noqdaan guryahoodii Muqdisho oo ay sanad ka hor ka barakaceen.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page          

< Prev   Next >