Home arrow Safar arrow Ciidamada Faransiiska oo Burcad Badeed Soomaali ah Duqeeyey
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:317
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:143
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:116
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:455
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Apr 11 2008
Ciidamada Faransiiska oo Burcad Badeed Soomaali ah Duqeeyey
Written by Ali Moallim   
Friday, 11 April 2008

Eley,(insidesomalia.org)- Kooxihii Burcad Badeedka ahaa ee maanta gacantooda laga sii daayay Dalxiisayaashii u dhashay Dalka Faransiiska ayaa lagu soo waramayaa in galabta ay duqeeyeen Diyaarado dagaal oo ka soo duulay Markab Dagaal oo Ciidamada Badda Faransiiska ay leeyihiin.

Duqeyntaas oo ka dhacay meel 25km Waqooyi Galbeed kaga toosan Deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ku geeriyooday Dad aan tiradooda la xaqiijin oo isugu jira Kooxihii Burcad Badeedka ahaa iyo Dad rayid ahaa oo ku sugnaa Xeebta Garacad, walow ay jiraan warar sheegaya in ay duqeyntaas ku dhinteen dad 10 ruux ka badan.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamul Goboleedka Puntland Daahir Cabduqaadir (Daahir Af-law) ayaa sheegay in ay Kooxaha Burcad Badeedka ay duqeeyeen Diyaarado Dagaal oo uu Faransiiska leeyahay, kuwaasi oo soo weeraray Kooxaha Burcad Badeedka mar ay doonayeen in ay qaataan lacag madax furasho ah oo la siiyay maanta ka hor intii aysan sii deynin Doontii Le Ponant iyo 30 Dalxiisayaal ah oo ay maalmahan af-duub ku heysteen.

Guddoomiyaha waxaa uu intaas ku daray in ay Ciidamada Faransiiska dib u ceshadeen lacagtii ay madax furasho ahaanta u bixiyeen, kadib markii ay duqeeyeen Kooxihii Burcad Badeedka ahaa.

Duqeyntan ay Diyaaradaha Faransiiska ka geysteen Deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo maanta uu madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy uu shaaciyay in si nabadgelyo ah loo sii daayay Dalxiisayaashii Faransiiska u dhashay ee lagu heystay Xeebaha Soomaaliya, isla markaana uu mahadceliyay Ciidamada Faransiiska iyo cid kasta oo gacan ka geysatay sidii loo sii deyn lahaa Dadkaas af-duubka lagu heystay.

Dowladda Faransiiska ayaa Ciidamo badan u soo dirtay Xeebaha Soomaaliya, kadib markii uu soo baxay warka ku saabsan in Doon ay saarnaayeen Dalxiisayaal Faransiis ah laga af-duubtay Gacanka Caadmeed (Gulf Aden), kadibna lala aaday dhinaca Xeebaha Soomaaliya.

 

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >