Home arrow Safar arrow Burcad Badeed Soomaaliyeed oo Siidaayey Laba Markab
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:101
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:102
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:36
Date:13-11-2008
Riwaayo Somali ah
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:48
Date:13-11-2008
Hidaha iyo Dhaqanka Jabuuti
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:40
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Sep 12 2008
Burcad Badeed Soomaaliyeed oo Siidaayey Laba Markab
Written by Ali Moallim   
Friday, 12 September 2008

Eyl,(insidesomalia.org)- Burcadcad badeed Soomaaliyeed ayaa siidaayey labo markab oo laga kala maamulo Jarmalka iyo Japan, sida ay Khamiistii (Sept 11, 2008) soo werisey hay'adda wararka u faafisa Faransiiska ee AFP.

 

Markabka Jarmalka ee "MV Trinidad" oo uu saaran yahay calanka yahay Antigua & Barbuda iyo markabka Japan-ka ee "MT Irene" waxaa xeebaha Soomaaliya lagu qafaashay August 21, 2008.

 

Markabka "MV Trinidad" waxaa muddo lagu haystey Woqooyiga Bari ee Soomaaliya, gaar ahaan aagga magaalada Eyl, tirada shaqaalaha ee markabkaas saarnaa waa 13 isugu jira: Naakhuudaha oo u dhashay Slovenia, 10 Filipino ah iyo 2 Ruush ah.

 

Markabka kale ee "MT Irene" oo shaqaalaha saarna ay koobanaayeen 16 Filipino iyo saddex Croatian ah waxaa laga siidaayey aagga Eyl, hal-maalin kaddib markii ay magaalada Nairobi yimaadeen koox reer Japan ah si ay uga qayb qaataan siideynta markabkaas. "Waxaan haynaa warbixino shegaya in (kooxda Japaanka ah ay Nairobi) keeneen (lacag) madax furasho oo ay qabanqabinayeen sidii loo bixin lahaa madaxfurashada," sidaas waxaa yiri Andrew Mwangura oo Kenya u qaabilsan gargaarka badaha.

 

Ilo u dhow burcadda oo ku sugan Woqooyi Bari ee Soomaaliya (Puntland) ayaa AFP u sheegay in $1.5 million oo doolar oo madax furasho ah la bixiyey si loo siidaayo maraakiibta.

 

Lacagta madax furashada ah in la bixiyey waxaa hay'adda wararka ee Reuters u xaqiijiyey mulkiilaha markabka laga leeyahay dalka Jarmalka, waxana uu sheegay in labixiy lacag ka badan $1 million.

 

Inkasta oo Mwangura uu sheegay in lacag aad u badan la bixiyey, ayey tiri hay'adda Reuters. "Ilo ku dhow burcadda ayaa sheegay in ay dalbanayeen lacag dhan $2.47 million oo madax fursho ah in laga bixiyo markabka MT Irene. Waa dhici kartaa in la siiyey lacag intaas ka yar. Waxaa xaqiiqo ah in sameeyeen lacag aad u badan," ayuu yiri Mwangura.

 

Sida ay sheegeen saraakiil Soomaali ah iyo ururada badaha, waxaa burcad badeeda Soomaaliyeed ay xeebaha Soomaaliya ku haystaan (dersin) maraakiib ajaanib ah. (Sida ay qortay Bloomberg waxay burcadda Soomaaliyeed xeebaha ku haystaan 11 markab oo ay saaran yihiin 200 oo shaqaale ah.)

 

Khubarada badaha ayaa sheegay in ay jiraan weeraro badan oo ka dhaca xeebta dheer ee Soomaaliya oo aan la soo sheegin, xeebtaas oo dhererkedu yahay 3,700km (2,300miles) oo ay harqiyeen burcad adeegsanaya doonyaha dheereeya iyaga oo kuhubaysan qoryaha darandooriga u dhaca iyo baasuukayaal.

 

June 2, 2008 ayey ahayd markii golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay soo saareen qaraar lambarkiisu ahaa (1816 (2008)), kaas oo maraakiibta dagaalka ee shisheeyaha u ogolaanayey in ay galaan badda Soomaaliya iyagoo ogolaansho ka qaadanaya dawladda (Soomaaliya) si ay ula dagaalamaan burcadda iyo weerarada hubaysan ee ka dhaca badda Soomaaliya, laakiin taas weli ma dhaqan gelin.

 

Bilihii u dambeeyey maraakiib isugu jira beesha caalamka oo saldhigoodu yahay Jabuuti ayaa waardiyey ka hayey Gacanka Cadan iyo Badda Cas, halkaas oo ah meelaha la rumaysan yahay in ay ka hawl galaan burcad badeedku.

 

Gacanka Cadmeen waxaa sannadkii mara qiyaastii 20,000 oo markab oo kusii jeeda Khooriga Suez.

 

Qaar kamid ah burcadda ayaa qiil u raadiyey ficilka ay ku kacayaan in uu sax yahay iyaga oo ku andacoodey maadaama aysan jirin dawlad dhexe oo wax ka qaban karta Soomaaliya, in ay la dagaalamayaan kalluumaysiga sharci darrada ah iyo sunta halista ah oo ay daadinayaan maraakiibta shisheeye, sidaas waxaa qortay AFP, oo intaas raacisay in Soomaaliya aysan ka jirin dawlad dhexe laga soo bilaabo 1991 xilligaas oo ay dhacday xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre.

 

Warbaahinta Spain ayaa weriyey in Khamiistii (September 11, 2008) uu Markab Kalluumaysato oo laga leeyahay gobolka Basque, Spain uu ka badbaadey burcad badeedka Soomaaliyeed. Markabkaas waxaa leh shirkadda Pevasa oo bishii April (2008) markab ay leedahay lagu qafaashay xeebaha Soomaaliya, waxaa markabkaas la siidaayey lix maalmood kaddib, iyada oo la sheegay in markabkaas hore madax-furasho laga qaatay.

 

Maamulka Puntland waxay beesha caalamka ku eedeeyeen in ay ku guuldaraysteen in ay wax ka qabtaan burcadda in kasta oo ay aagga joogaan maraakiib militari ee Fanasiisk aiyo Maraykanka.

 

"Waxaan cambaarayneynaa dalalka sida Maraykanka iyo Faransiiska, kuwaas oo awood loo siiyey in ay biyaha Soomaaliya ka ilaaliyaan falalka burcadda," sidaas waxaa yiri Cabdulqaadir Muuse Yuusuf, wasiir ku xigeenka wasaradda Kalluumaysiga Puntland, sida ay qortay Reuters.

 

Isaga oo intaas ku daray "Waxaan ognahay in Golaha Ammaanku uu awood buuxda u siiyey in ay arrinta soo dhexgalaan. Waxaan u baaqaynaa Qaramada Midoobey in ay isku dubaridaan ciidan caalami ah oo ilaaliya biyaha/badda Soomaaliya."

 

Reuters waxay qortay in burcadda (Soomaaliyeed) ay ku tamashlaynayaan maalka ay ka heleen lacagta laga siiyey madax-furashada, waxay iibsanayaan gawaari cusub, waxay dhisanayaan guryo, waxay guursanayaan xaasas cusub, ayey tiri hay'addu.

 

Dhanka kale sida ay werisey AFP, waxaa Arbaca Sept 10, 2008 xeebaha Soomaaliya lagu afduubay markab laga leyhaay dalak Koonfurta Korea. Waxaa markabkaas saaran siddeex Korean ah iyo 13 u dhashay Burma (Myanmar).

 

Caymiska Maraakiibta oo Kor u kacay

 

Sida ay qortay jariiradadda Times ee ka soo baxda UK, waxaa aad kor ugu kacay caymiska maraakiibta maraya xeebaha u dhow dhulka Soomaaliya.

 

Shirkadaha caymiska bixiya ayaa aad u kordhiyey caymiska maraakiibta xamuulka ee mara Gacanka Cadan (Gulf of Aden), qiimaha caymiska oo ahaan jirey sagaal boql ($900) sannadkii waxa uu gaarey ilaa sagaal kun ($9,000) sannadkii.

 

Burcadda oo adeegsanaya doonyaha dheereeya waxay noqdeen kuwo cawaandi ah. Maraakiibta sida caadiga ah waxay haystaan ugu yaraan saddex bilood ilaa laga bixinayo madax-furasho, taas oo celcelis ahaan gaareysa $1 million. Waagii hore burcaddu waxay ku qanacsanaan jireen "dhawr boqol oo kun," ayuu yiri" Mr Davies.

 

"Haddii aad ka fekertid Soomaaliya "xaqiiqo hadda ma aha dal. Waxa xakuma qabqablayaal dagaal. Waxaa uu xarun u noqday sharci darrada. Haddii ay tahay qof leh markab oo aad alaab ka keentid bariga adduunka ilaa galbeedka adduunka, waa in aad martaa Gacanka Cadan, ayuu yiri Mr Davies.

 

Lixdii bilood ee ugu horeeyey sannadka 2008, waxaa Gacanka Cadan laga afduubay 94 qof oo isugu jirey shaqaale iyo rakaab ah sid aay sheegeen haydda Badaha ee Caalamiga ah ee loo soo gaabiyo ICC-IMB. Isla xilligaas waxaa gudaha Soomaaliya lagu qafaashay 63 qof, ayey tiri hay'addu





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

          Next Page>>

< Prev   Next >