|
Muqdisho.(insidesomalia.org)- Xaalada shaqaalaha saran Markabka laga leeyahay Wadanka Germany ee lagu magacaabo Lehmann Timber oo 28kii Bishii May lagu afduubtay xeebaha Dalka Soomaaliya ayaa ka sii dareysa.
Kabtanka Markabkani oo awood u helay in uu la xiiriro qoyskiisa ayaa Aabihaha kabtankani oo ka warbixinaya xaalada shaqaalaha markabkasi saaran ayaa waxaa uu sheegay in aynaan helin raashiin, biyo iyo daawo intaba.
“Burcad Badeeda ayaa waxaa ay ka daaaleen sugitaanka Madaxfurasho ay ka helaan milkiilaha Markabka, sidaa darteena waxa ay ku xanaaqeen shaqaalihii Markabka” sidaasi waxaa yiri Vladimir Bartashev oo ah aabaha Kabtanka Markabkasi lahaysto.
Markabkani oo la qabsaday sedex asbuuc ka hor ayaa la sheegayaa in uu ka sii dhamaanayo shidaalkii uu ku shaqeeynayay tasina ay keeni karto in ay dhamaan istaagaan Matoorada Markabkasi.
Marka laga reebo 15 shaaqalaha ee Markabkaasi oo u dhashay Wadamada Russia,Ukraine,Estonia iyo Myanmar ayaa waxaa jiraa 25 Burcad Badeed Soomaali ah oo Markabkasi saaran.
Wararka ayaa sheegaya in mararka qaar ay dhacdo in kooxaha Burcad Badeda Markabkasi saaran ay isticmaalaan daroogooyin taasi oo keenta in ay iyagu isku dhacaan.
Milkiilaha Markabka ayaa sheegay in uu lacago u uruuriyay kooxaha heysta Markabka laakiin uu raadinayo habkii uu ugu gudbin lahaa lacagtaasi, si loo badbaadiyo nolosha shaqaalaha saaran Markabkaasi.
Sanadkani oo kaliya waxaa Xeebaha Dalka Soomaaliya lagu afduubtay ku dhawaad 20 Markab oo isugu jiray kuwo u raran Ganacsato iyo Hay’ado gargaar waxaana ay arintani ku soo beegmeeysaa xili Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ay isku raaceen in Dalka Soomaaliya loo diro Maraakiib laga leeyaha Wadamada aduunka si ay ay Xeebaha Soomaaliya ugula dagaalamaan kooxaha Burcad Badeeda ah
|