Home arrow Safar arrow 7 Ruux oo Kugeeriyootay Gaari ay Rasaaseeyeen Kooxo Hubeysan
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:320
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:145
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:116
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:456
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Apr 22 2008
7 Ruux oo Kugeeriyootay Gaari ay Rasaaseeyeen Kooxo Hubeysan
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 22 April 2008

Jowhar,(insidesomalia.org)- Wararka Naga soo gaaraya Tuulada Xaaji Cali oo ka tirsan Gobolka Shabelaha Dhexe ayaa sheegaya in halkasi kooxo hubeysan ku rasaaseeyeen Gaari Rakaab ah oo ku sii jeeday Magaalada Muqdisho.

Kooxahaani Hubeysan ayaa la xaqiijiyay in ay isbaaro u taalay Tuuladaasi, isla markaana rasaas aan loo meel dayin la beegsadeen gaari oo ay saarnaayeen dad rakaab ah kana yimid deegaanka Biya cadde oo Gobolka Shabeelaha Dhexe ka tirsan.

Arintaan ayaa loo aaneynayaa in ay la xiriirto aano qabiil, kadib markii kooxahaani qabiilka ay ka soo jeedaan dhawaan laga dilay nin caan ahaa kana shaqeyn jiray Hay'ad samafal oo deegankasi ka howlgasha.

Dadkii ku geeriyooday dhacdadaasi iyo kuwii ku dhaawacmay ayaa la keenay isla xalay Degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe oo saaka lagu aasay Meydkii halka dhaawaciina lagu dabiibayo Isbitaalka Degmadaasi kuyaala.

Odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda labada beel ee diriirtu ka dhaxeyso ayaa lagu soo waramayaa in ay haatan ku howlan yihiin qaabkii loo qaboojin lahaa xiisadaasi oo laga baqdin qabo in ay faraha ka sii baxdo.

Maamulka ka arimiya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa iminka u muuqda mid aan faragalin muuqata ku soo sameyn karin arintaani Maadaama Maamulku uu haysto culeys xoogan oo ka soo wajahaya dhinaca kooxaha Dowladda ka soo horjeeda.

Inta badan Is ugaarsiga dhinaca qabiilka ku saleysan ayaa caadi ka noqotay gudaha Dalka Soomaaliya tan iyo bur burkii Dowladdii dhexe 1991 waxaana inta badan markii ay falalkaani dhacaan isku howla Odayaasha Qabiilaadka ka soo kala jeeda si ay u soo afjaraan khilaafaadka jira.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >