|
Jabuuti,(insidesomalia.org)-Xaflad-suugaaneed weyn oo si wacan loo soo agaasimay ayaa waxay ka dhacday Guriga Ummadda ee magaalada Jabuuti 30kii Juun 2008da. Habeen-suugaaneedkaas oo lagu maamuusayey munaasabadda toban-jirsiga Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Halabuurka Soomaaliyeed kuna abtirsada dallad-weynta caalamiga ah ee International PEN. Waxaa kale ee ay munaasabaddu ku beegnayd shan sano oo u buuxsantay muddadii ay ahayd xarunta Naadigan PEN. Isla mar ahaantaas munaasabaddan waxaa lagu beegay toddobaadka gobanimada ee lagu jiro xuska 26ka iyo 27ka Juun oo kala ah maalintii la saaray calnkii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed ayna xorowdey maxmiyaddii Somaliland iyo maalintii dhalatay Jamhuuriyadda Jabuuti. Isla habeenkan munaasabadda la qabtayna waa habeenka loo dabbaaldego xornimada Soomaaliya ee ay bilato 1da Luulyo, maalintii midnimada iyo dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Xafladdan oo uu si loo riyaaqay u soo qabanqaabiyey Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo halabuurka Af-Soomaaliga ku hadla, laguna qabtay Guriga Ummadda, oo ah xarun-dhaqameedda ugu weyn uguna caansan dalka Jabuuti, waxaa ka soo qayb galay dad fara badan oo isugu jirey qorayaal, suxufiyiin, madax ka socotey dowladda Jabuuti, ururrada bulshada, aqoonyahanno, halabuur caan ah iyo guud ahaanba suugaanjecesha reer Jabuuti iyo waliba masuuliin reer Soomaaliya ah. Ka-soo qaybgalayaasha waxaa ka dhex muuqdey Abwaanno, iyo qorayaal iyo warfidiyeenno can ah oo ay ka mid ahaayeen,Qoraaga Awjamac Cumar Ciise, Abwaan Aaden Faarax, Saalax Xaashi Carab, iyo kuwo kale.
Barnaamijku wuxuu ka koobnaa saddex qaybood oo kala ah: qayb suugaan wadaag ah oo gabayo iyo heeso ka kooban, khudbado ay jeediyeen mas’uuliyiinta Naadiga iyo Matisharafta qaarkood iyo bandhig filim laga sameeyay waxqabadkii muddada tobanka sano ah ee Naadigu jiray.
Shaksiyaadkii muhiimka ahaa ee halkaa hadallada ka soo jeediyey waxaa ugu horreeyey Mudane Ismaaciil Xuseen Taani, Agaasimaha Xafiiska Madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti, isla markaana ka mid ah duqeyda Naadiga PEN. Mudane Ismaaciil wuxuu si weyn ugu iftiimiyey kaalinta PEN uu kaga jiro horumarinta qoraalka, suugaanta iyo daryeelka afka hooyo.Wuxuu hoosta ka xarriiqay si weyna u bogaadiyey dadaalkii aan caadiga ahayn ee uu sameeyey Dr. Maxamed Daahir Afrax iyo naf-hurkii uu ku asaasay Naadigan PEN, kuna soo mintiday sidii u hanaqaadi lahaa iyo hawlihii muhiimka ahaa ee naadigu ka qabtay dhanka dhaqanka, suugaanta horumarinta afka hooyo iyo faafinta qoraallada qiimaha leh.
Xaashi Cabdullaahi Orrax oo ah la taliyaha Madaxweynaha Jabuuti ee dhanka dhaqanka kana mid ah odaayaasha Naadiga PEN ayaa isna tilmaamay sida naadiga PEN uu ugu guulaystay
hirgelinta madal kulmisa, dhiirrigalisa, waxqabadkoodana midaysa qalinleydii iyo hal-abuurkii hore u kala lunsanaa, siiba da’yarta hagidda u baahan.
Saalax Maxamed oo ah wakiil ka socday Naadiga cafar PEN ee qorayaasha iyo hal-abuurka Af-Cafariga ku hadlay oo madasha ka hadlay ayaa isna si qwiiro ku jirto u ammaanay doorka Naadiga Somali PEN uu ka qaatay isusoo dhaweynta iyo mideynta waxqabadka bulshada ee dhinaca dhaqanka iyo horumarinta afafka hooyo ee dalka jabuuti looga hadlo. Saalax waxa uu intaa raaciayay in Naadiga Somali PEN uu kaalinta gacanta ugu weyn kulahaa abuurista iyo hirgelinta Naadiga mataankiisa ah ee Cafar PEN.
Xoghayaha Guud ee Naadiga, Aadan Xasan Aadan ayaa kulanka u faahfaahiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Naadiga PEN, waxyaalaha la taaban karo ee uu ku soo biiriyey horumarinta qoraaklka iyo suugaanta Soomaalida iyo faai’dooyinka u soo hooyey Jamhuuriyadda Jabuuti. Mar uu ka hadlaayey taariikhda iyo bilowgii ugu horreeyey wuxuu hoosta xarriiqay Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Halabuurka af-Soomaaliga ku hadla inuu bu biloday fikrad ku dhalatay asaasaha Naadiga, Dr. Maxamed Daahir Afrax, bishii December 1996dii . Wuxuu ku nuuxnuuxsaday dadaalkii aan caadiga ahayn ee uu Dr Afrax nafta ag dhigay sidii uu u asaasi lahaa urur mideeya, difaaca, waxqabadkoodana hirgaliya qorayaasha iyo halabuurka Soomaaliyeed. Xoghayaha Naadigu wuxuu si gaara u tilmaamay waxyaabihii sida gaar ah Naadigani uga hirgeliyay Jabuuti oo ay ka mid ahaayeen:
Abuurista goob ama bartilmaameed bulsha-weyntu ugu soo hirato kagana iftiin-qaadato waxqabadka qalinka iyo suugaanta qoran;
Beerista baraarug guud oo bulsha-weynta reer Jabuuti ku baraarugeen qiimaha afkooda hooyo iyo baahida loo qabo qoraalkiisa, akhriska buugaagta iyo horumarintiisa;
Wuxuu Jabuuti ku soo biiriyey caado cusub oo ah dood-wadaag joogta ah oo fagaare lagu kulmo, laguna lafa-guro buugaag iyo Halabuur qoran oo la faaqido.
Wuxuu Naadigu kaalin hormuudnimo ka ciyaaray Jabuuti inay noqoto madal ay ku kulmaan, shirarka ku qabsadaan ama xarunba ka dhigtaan ururrada iyo haya’adaha suxufiyiinta iyo maskaxmaalka gobolka iyo kuwa qaaraddaba;
Wuxuu horseeday Jabuuti inay noqoto madal lagu soo ururiyo boqollaal buug oo ku qoran afafka dadka reer Jabuuti, kuwaas oo bulshada wax weyn u faai’deeyey, akhriskana jeclaysiiyey;
Aqoon-wadaagyada PEN ee joogtada ah waxay abuureen fursad ay isu tallaabaan, iskuna xidhmaan qalinleydii reer Jabuuti ee kolkii hore kala xidhnaa ama ku kala qoqobnaa afafka ay wax ku qoraan ama wax ku barteen (Faransiis, Soomaali, Cafari, Carabi). Fursaddaas waxaa sii xoojiyey dhalashada Naadiga PEN ee Cafariga ku hadla, kaas oo soo ifbixiisa Naadigani gacan weyn ka geystey, ayna mataanoobeen;
Wuxuu Naadigu kaalin weyn ka qaatay ururinta, sixitaanka iyo dhiirrigalinta daabacaadda buugaag badan;
Wuxuu da’yarta soo koraysa tababbarro ka siiyey tartanno iyo abaalmarinna uga abaabulay suugaanta qoran, siiba tan ku qoran afka hooyo; waxaa kaloo lagu tababbaray falanqaynta suugaanta iyo qoraallada;
Wuxuu u guntaday ururinta iyo badbaadinta dhaxalka sii lumaya ee masraxa iyo riwaayadaha;
Wuxuu horseed ka ahaa baraarugga lagu baraarugay in sannad kasta waxqabad lagu xuso maalmaha caalamiga ah ee afka iyo halabuurka (sida Maalinta Afka Hooyo iyo Maalinta Masraxa Dunida, Maalinta Caalamiga ah ee Buugga, iwm);
Munaasabaddan waxaa qurxiyay xiisaheedana aad u bilay waa bandhig faneed iyo suugaan wadaag madasha ay ku soo bandhigeen heesaa iyo maanso yahanno isugu jira kuwo caanka ka Jabuuti iyo Soomaaliyaba sida fannaanka Abbasiid oo aalaaba afka Cafariga ku heesa habeenkanse Af-Soomaali ku heesayay, Fannaanka Caydaruus oo labada afba ku heesa, iyo suugaanyahanno ay ka mid ahaayeen Saalax Xaashi Carab, iyo maansoyahanno ka mid ah da’yarta reer Jabuuti.
|