Home arrow Media arrow Wariye Nasteex Daahir Faarax oo Saaka Lagu Aasay Magaalada Kismaayo
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:405
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:86
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:709
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:314
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 08 2008
Wariye Nasteex Daahir Faarax oo Saaka Lagu Aasay Magaalada Kismaayo
Written by Ali Moallim   
Sunday, 08 June 2008

Kismayo, (insidesomalia.org)- Waxaa saaka lagu aasay Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose Wariye Nasteex Daahir Faaax oo xalay kooxo hubeysan ay ku dileen gudaha Magaaladaasasagoo ku jiraha howlihiisa Saxaafadeed.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeybgalay Dad aad u fara badan oo isugu jiray Eheladii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday iyo weliba Mas’uuliyiinta gacanta ku heysa Maamulka Magaalada Kismaayo.

Yaasiin Nuur Gaas, Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda Beesha Sade oo wax laga xumaado ku tilmaamay dilka Wariye Nasteex ayaa wuxuu sheegay in la baarayo dadkii ka dambeeyay dilkiisa, wuxuuna sheegay in haddii la soo helo tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Wariye Naseex ayaa intii uusan geeriyoon wuxuu kalkaaliyayaashii gargaarka deg deg ah u sameynayay u sheegay in ay rasaas ku fureen labo nin oo ku hubeysan qoryaha AK47, kuwaasi oo markii ay toogteen kadib baxsaday.

Marxuumka oo markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka Magaalada Kismaayo ayaa wuxuu gudaha Isbitaalka ugu geeriyooday dhiigbax daran sabab la xiriirta Rasaas badan oo ku dhacday Jirkiisa.

Dilka Wariye Nasteex Daahir Faarax ayaa marka laga soo tago Qoyskiisa iyo Hay’adihii Warbaahineed ee uu la shaqeynayay waxaa si weyn uga naxay Wariyayaasha ka howlgala Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo qaarkood uu sabab u ahaa in ay Bahda Saxaafadda ka mid noqdaan.

Alle ha u naxariistee Wariye Nasteex wuxuu ka geeriyooday Xaas leh Uur 6 Bilood ah, taasi oo lagu magacaabo Idil Farey iyo wiil 10 bilood jir ah, wuxuuna ahaa 26 sano jir howlkar ah oo u shaqeynayay Idaacadda BBC-da iyo Wakaaladda Wararka AP.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

          Next Page>>

< Prev   Next >