|
Laascaano,(insidesomalia.org)- Waxaa maalintii labaad lugu haya Xabsiga Wariye Cabdi Qani Ismaaciil goox oo kamid ahaan jiray wariye yaashii ka howlgalijiray Radio Laascaanood haatana ka howlgala baraha Internet-ka ,Wariyaahaan ayaa xabsiga waxaa dhigay shalay gelinkii dambe oo ka kaxeystay gurigiisa oo ku yaala Magaalada Laascaanood Ciidama ka amar qaata Maamulka Soomaaliland.
ee haatan ka arimiya Magaalada Laascaanood ee xarunta Gopbalka Sool.
Wariye Cabdi Qani Ismaaciil Goox ayaa waxaa la sheegay in aay gurigiisa ugu imaadeen ciidama ku hubeesan 2gaari oo nooca dagaalka ah waxeena amar ku siiyeen in uu u raaco saldhiga dhexe ee Magaalada Laascaanood waxaana la sheegay in aay inta aysan xabsiga u tixaabin ka hor kula kaceen Ciidamadas jirdil iyo xarig iyo weliba handadaad .
Cabdi Qani ayaan ilaa iyo haatan la garanayn waxa ay ciidamada Xabsiga ugu taxaabeen hase ahaatee qaar ka mid ah eheladiisa oo qadka Telfonka kula xiriirnay saakay ayay noo sheegen in wariye Cabdi Qani looheysto warar uu ka faafiyay hay’ada bisha Cas kadib markii ay cabashooyin kaga yimaadeen qaar ka mid ah Bulshada danyarta ah ee ku dhaqan gudaha gobolka Sool taasina wax aay dhalisay baa la yiri in xabsiga lo tixaabo.
Xarigaan wariyaha ayaa la sheegay in uu ka danbeeyay Madaxa Hay’ada Bisha cas ee Magaalada Laascaanood oo amarka lagu xiray lahaa hasa ahatee waxaa la filyaa in maalinta barita ah la so saaro maxkamd wariyaahs waxaana noo suurta galin in aan qadka teelka xili aan isku daynay in aan kula xariino helno
Ma jiraan ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay Maamulka ka arimiya Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool balsa waxaa la filayaa in aay dib warbixino ka soo saari doonaan isku soo wada duboo wariyryaasha gobolka Sool loogu handaday aya gaaraya sanadkii la soo dhaafay ilaa iyo sanadkan ilaa iyo 10 wariye halka in ka badan 35-na ay iskaga hajireen goobahoodii shaqo iyo guud ahaan gudaha Gobolka sida aay ii sheegeen qaar kamid ah wariyashas oo qadka teelka ku la xariiray.
|