|
Hargaysa,(insidesomalia.org)-Maamulka Sare ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa maanta markii u horeysay go,aan ka danbaysa ka soo saaray cida ay u aqoonsan yihiin Gudoomiyaha SOLJA ee Gobalka Togdheer.
Go,aankan cusub ee SOLJA oo habeenkii xalay ay soo saareen War Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Caasimada Hargaysa, waxaa lagu cadeeyey in xubnaha Maamulka ee Ururka SOLJA ay si buuxda u ayidsan yihiin doorashadii ay xubnaha Ururka ee Gobalka Togdheer ku qabsadeen, Magaalada Burco Bishii April, ee Sanadkan kaasi oo ay ku doorteen hogaanka Ururka, Gudida Fulinta, iyo Gudoomiyahaba.
Go,aankan lagu cadeeyey War Saxaafadeedkan ayaa waxaa uu ka danbayey, ka dib markii todobaadkan gudihiisa xubin ka mida Suxufiyiinta SOLJA ee Gobalka Togdheer inuu yahay Gudoomiye Keyse Axmed Digaal, kaasi oo Wargeyska Jamhuuriya lagu daabacay maqaalkan.
Wargayska Jamhuuriya ayaa isaguna todobaadkan gudihiisa mar uu wax ka qoray tababar 14 bishan Burco uga furmay Saxafiyiinta ku sheegay Ciwaanadiisa mid ka mida in khilaaf xoogani oo ka dhashay muran ka taagan jagadan Gudoomiyanimada uu hadheeyey furitaanka tababarkan waxaanu kale Wargaysakani daabacay in Wariyaha Jamhuuriya ee Gobalka Togdheer Keysa Axmed Digaale uu yahay Gudoomiyaha Sharciga ee Gobalka.
Balse Warsaxaafadeed ay ku Saxeexan yihiin Gudoomiyaha SOLJA Mustafe Cabdi Ciise Shiine iyo Xoghayaha Ururka SOLJA Muuse X Maxamuud Guuleed ka soo saareen Xarunta Guud ee SOLJA ayaa waxaa uu ku cadeeyey inay u aqoonsan yihiin Gudoomiyaha SOLJA ee Gobalka Togdheer Yusuf Ibraahim Warsame,Ilka Case, oo aanay jirin cid kale oo sheegan kartaa Gudoomiye.
Warsaxaafadeedkaasi isaga oo qoraala waxaa uu dhignaa sidan:
Ka dib markii aanu kawada tashanay dhamaan xubnaha Maamulka ee Ururka, islamarkaasina isla eegnay wixii ka dhacay furitaankii Siminaarka Burco ee Xuquuqul Aadamaha iyo Saxafiga waxaa aanu go,aansanay sidan:
SOLJA waxa ay si buuxda u ayidsan tahay doorashadii ay xubnaha ururka ee Gobalka Togdheer ku qabsadeen, isla Magaalada Burco halkaasi oo ay ku doorteen xubnaha Hogaanka Ururka, Gudida Fulinta ee Ururka, kaasi oo ay Gudoomiyena ugu doorteen Yusuf Ibraahim Warsame.
Sidaa daraadeed waxa aanu halkan ku cadaynaynaa in aanay jirin cid kale oo sheegan karta Gudoomiyanimada Ururka SOLJA ee Gobalka Togdheer.
Dhinaca kalena Horaantii Bishan April,2008 ayaa xubnaha SOLJA ee Gobalka Togdheer shir Sanadle ah oo ay ku qabteen Hotel Barwaaqo ee Magaalada Burco, waxay ku doorteen Hogaan Cusub oo ka kooban Gudoomiye, Laba Gudoomiye Xigeen , Xoghaye Guud, Khasnaji, kuwaasi oo ah xilligan ay si rasmiya u aqoonsadeen Xarunta Guud ee SOLJA
|