Home arrow Media arrow Suxufiyiinta ka Howlgasha Gobalka Hiiraan oo Dhibaato Soo Food Saaray
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:405
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:86
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:709
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:314
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 08 2008
Suxufiyiinta ka Howlgasha Gobalka Hiiraan oo Dhibaato Soo Food Saaray
Written by Ali Moallim   
Friday, 08 August 2008

Beledweyne,(insidesomalia.org)- Gobalka Hiiraan waxaa ka howlgala labo Idaacadood oo FM-ah kuwaa oo ka kala dhisan Degmooyinka Beledweyne iyo Buulaburte, inkastoo Idaacadda ka howlgasha Degmada Buulaburte la oran karo ma'aha mid si rasmi ah u shaqeysa.

 

Laakiin marka laga soo tago Idaacadaha waxaa gudaha Gobalka ku sugan Suxufiyiin aan tiro yaren kuwaas oo wararka u tabiya Idaacado, Wakaalado warar, TV-yada ku hadla Afka Soomaaliga iyo waliba Websetyada gaarka loo leeyahay, waxaana xiligan muuqnaya in Suxufiyiintaa uu soo food saaray cadaadis ugu imanaya dhinacaya isku haya Gobalka.

 

Mid ka mid ah Maamulayaasha Idaacadaha ka shaqeeya Gobalka ayaa sheegay in lagu wargaliyay in aysan Idaacadu sii deyn karin Wareysiyda shaqsiyaad si gaar ah oo farta lagu fiiqay, waxaana uu intaas raaciyay in lagu wargaliyay haddii aysan ka joogsan Idaacadiisu Wareysiyada shaqsiyaadka la tilmaamay taasi ay  wax u dhimi karto sii shaqeynta Idaacadda.

 

''In loo adeego hal garab oo kaliya taa macnaheedu waxaa uu noqonayaa shaqo ma'jirto ayuu yiri Maamulaha Idaacada fariinta la soo gaarsiiyay, isaga oo dhinaca kalana tilmaamay in xitaa lagu wargliyay in wixii hada ka danbeeya lala socon doono wararka ka baxa Idaacada.

 

Sidoo kale waxaa dhinacooda Cadaadiskan uu sameyn ku yeeshay Wariyayaasha u shaqeeya Warbaahinada ka baxsan Gobalka, kuwaa oo lagu wargaliyay in lala socdo wararka ay tabiyaan " Waxaan helay fariin laygaga digayo ka hadalka wararka ku saabsan xaaladaha qaar ayuu u sheegay HOL mid ka mid Wariyayaasha u shaqeeya Idaacadaha ka baxsan Gobalka, oo intaa ku sii daray in loogu hanjabay dhibaato ka soo gaari karta dirista wararkaa oo kale.

 

Kulan ay wada qaateen Wariyayaasha ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa siweyn waxaa loogu eegay arimaha la xiriira cadaadiska soo kordhay, waxaana ugu danbeytii laysku afgartay in la sii wado u shaqeynta Bulshada iyada oo dhinaca kalana la ilaalinayo Amniga Suxufiga.

 

Warar ku saleysan Xaqiiqo, Isla markaana layska hubinayo isha laga soo xigtay ma'aha mid wax u dhimi karta Koox iyo Garab toona, sidaa daraadeed waxaa ka go'an Suxufiinta meel kasta oo ay joogaan in ay u shaqeeyaan Bulshada si markaa loola socoda marxaladaha is bad badalaya guud ahaan dunida gaar ahaan goobaha ay ka howlgalaan Wariyayaasha ayaa laga sheegay kulanka Suxufiyiintu yeesheen oo dhinaca kale baaq u diraya garabyada isku haya Siyaasada Soomaaliya oo ah kuwa sida tooska ah ugu lugta leh cadaadiska iyo xanibaadaha ay la kulmaan bahda Saxaafada ee ku shaqeyneysa marxaladda adag.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

          Next Page>>

< Prev   Next >