|
South Africa,(insidesomalia.org)- Ilo wareedyo si qarsoodi ay u heshay Majalada ka soo baxda dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in ay sii adkaanesyo in dalka South africa marti giliyo koobka aduunka ee sanadka 2010-ka lagu waday in lagu qabto dalkaasi dhaca Qaarada madoow .
Majalada Super ee ka soo baxda Imaaraadka ayaa daboolka ka qaaday in dalalka Mareykanka , Ingiriiska iyo Ustaralia ay u sharaxan yihiin in ay marti giliyaan cayaarahaasi .
Warar majlada ay ku tilmaantay in ilo qarsoodi ah oo FIFA ku dhaw ka soo heshay ay sheegayaan in warbixino ay diyaariyeen gudiga baaritaanka ee Cayaaraha 2010-ka ee u qorsheesneyd in South africa lagu qabto ay u gudbiyen FIFA in ay jiraan dhibaatooyin waa weyn oo wiiqaya in South africa marti giliso Cayaaraha iyadoo aan buuxin shuuradaha muhiimka oo ay u sii dheer yihiin dhibaatooyin siyaasadeed, bulsho halka dambiyada dilalkana ay ku sii bateen .
Warbixintu waxa ay intaa ku dareeysaa in Mareykanka oo sanadkii 1994-tii marti giliyay Cayaartaha aduunka iminka uu yahay musharaxa ugu horeeyay ee u dhaw in ay badasho South africa iyadoo %80 ay dhaw dahay .
Bisha November ayuu gudiga fulinta FIFA kulan ka yeelanayaa waxa dhacaya iyadoo arintaani haddii ay dhacdo noqoneyso dharbaaxo xoogan oo soo gaartay South africa iyo guud ahaan qaarada Africa .
Qorshaha u degan FIFA ee ah in dal laga wareejiyo marti gilinta Cayaaro iminka si weyn doodisa uga socoto gudaha FIFA iyadoo lagu eedeyay South africa in u diyaar garoowga marti gilinta cayaaraha si gaabis ah xageeda uga socdeen .
"FIFA South africa kama hor istaageyso marti gilinta koobka qaaradaha ee sanadka dambe lagu qabanayo", sidaa waxa lagu yiri warbixinta hoose ee majlada Imaaraadka Carabta ka soo baxda ay heshay .
Madaxweynaha FIFA oo iminka Booqnaya South africa ayaa dhankiisa u sheegay Sky News ee sedex dal ay u sharax yihiin in ay ka badaalan South africa marti gilinta koobka aduunka iyadoo faahfaahin dheeraad ah uusan bixin .
South africa oo ku guuleysatay marti gilinta koobka aduunka ee markii ugu horeeysay Qaarada Africa heshay ayaa haatan xaalad fajac ah ku jirta iyadoo arintaani ay tahay mid guud ahaan murago ku ah Qaarada Africa .
|