|
Muqdisho,(insidesomlia.org)- Maalinta Saxaafada Aaduunka ayaa maanta laga xusay Magaalada Muqdisho, iyadoo Saxaafada xurta ah ee reer Muqdishana ay u aqoonsadeen in warbaahinta dhibaatada ugu badan ay la soo deristay ay tahay Idaacada Shabelle.
Munasibadani oo lagu maamusayay maalinta Saxaafada Aduunka ee ku beegan 3 May ayaa maanta lagu qabtay Magalada Muqdisho, iyadoo ay ka soo qeeyb galeen Masuuliyiin ka kala socotay qeeybaha kala duwan ee Bulshada iyo qaar ka mid ah Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Madaxda warbaahinta gudaha ka howl Gala.
Gudoomiyaha Golaha Saxaafada Qaranka Soomaalyeed Yuusuf Cali Cusmaan Yuusuf Fareey oo ka mid ahaa Masuuliyiintii halkasi ka hadaashay ayaa ugu baaqay Dowladda KMG ah ee Soomaliya in Sharciga Saxaafada dib loogu celiyo Baarlmaanka Soomaaliya, si wax looga si dib loogu eego loona waafajiyo Madxbanaanida Saxaafada ee Axdiga KMG ah ee Soomaaliya, kaasi oo lagu damaand qaaday Saxaafada xurta ah iyo xeerarka Caalamiga.
Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Dowladda in ay joojiyaan tacadiyada uga yimaada dhankeeda warbaahinta xorta ah kana dhabeeyso balan qaadkii Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo in Maamulada kale ee Dalka ka jira ay dhoowraan madaxbananida Saxaafada iyo xaqa uu qofwaliba u leeyahay in uu fikirkiisa cabiro.
Yuusuf Fareey ayaa sidoo kale Saxafiyiinta ugu baaqay in ay ku dhaqmaan kuna shaqeeyaan xeerarka Saxaafada waana in ay la yimaadaan buu yiri Masuuliyad Wadaniyadeed oo umada ku hagi karta xalinta dhibaatooyinka jira.
Kulankaasi ayaa sidoo kale ka hadlay Ra’isul Wasaare xigeenka Dowladda Soomaaliya ahna Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Salaan ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda KMG ay ka dhabeeyneeyso hadlkii uu Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uu ku sheegay in ay Saxaafada Soomaaliyeed ay u madaxbanaaneeyso howleheeda Warbaahineed iyo in Suxufi waliba uu si xur ah u gudan Doono howlihiisa Warbaahineed.
“ Waxaan ka codsanayaa in Saxaafada ay ka shaqeeyaan hanaanka Nabada iyo horumarka, waayo ma jirto cid idinka jecel nabada hadii ay san jirin Nabada ma heleeysaan meel aad ku shaqeeysataan” ayuu Yiri Ra’isul Waare xigeenka ahna Wasiirka Warfaafinta.
|