Home arrow Media arrow Idaacado Hawada Kabaxay Qalabna Lagaqaatey
Somali fighters capture Kismayo 27 Aug 08
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:316
Date:02-09-2008
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:688
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:117
Date:15-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Mar 02 2008
Idaacado Hawada Kabaxay Qalabna Lagaqaatey
Written by Ali Moallim   
Sunday, 02 March 2008

idaacada shabeeleMuqdisho,(insidesomalia.org)- Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya ayaa ka qaatay Qalabkii ay ku shaqeynayeen Idaacadaha Simba, Shabeelle iyo Horn Afrik oo ka mid ah Idaacadaha gaarka lo leeyaahy ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Qalabka ay Ciidamada ka qaateen Idaacadda Simba ayaa lagu sheegay lix Computer oo uu ku jiray mid Laptop ah 2 Camero oo isugu jiray mid Video ah iyo mid Sawirrada lagu qaado oo Digital ah, Mixer iyo Rikoorro ay Wariyayaasha Idaacadda ku shaqeeyaan.

Ciidamadan ayaa intii ay ku jireen Idaacadda waxay jir-dil u geysteen qaar ka mid ah Wariyayaasha Idaacadda, iyagoo kadibna Gaari Cabdi Bile ah ku rartay qalabkii ay Idaacadda kaqaateen.

Sidoo kalena Ciidamada Dowladda ayaa waxay galeen Xarunta Idaacadda Shabeelle, waxayna halkaas ka qaateen Labo Mixer iyo hal Computer, iyagoo horay u kaxeystay Agaasimaha Idaacadda Mukhtaar Maxamed Hiiraabe, waa sida uu sheegay Maxamed Cabdulaahi Xaaji oo ka mid ah Wariyayaasha Idaacadda.

Xarunta Idaacadda Horn Afrik ayay iyaduna saaka waxaa galey Ciidamo ka amar qaata Dowladda, wuxuuna Maxamed Abuukar Ma’da oo ka mid ah Wariyayaasha Idaacaddaas uu sheegay in ay saraakiishii Hoggaamineysay Ciidamada Idaacadda galay ay ku amreen in ay Idaacadda demiyaan, isla markaana ay dibadda u soo baxaan iyagoo ay gacmaha Madaxa u saaran yihiin.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Idaacadahan ayaa dhamaantood waxay ku yaaliin Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Waddooyinka Koowaad iyo Labaad ee Suuqa Bakaaraha oo saaka ay gudaha u galeen Ciidamo tiro badan oo kamid ah kuwa dowladda.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page          

< Prev   Next >