Home arrow Media arrow Idaacad La Xirey
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:11
Date:07-09-2008
Somali fighters capture Kismayo 27 Aug 08
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:347
Date:02-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Dec 26 2007
Idaacad La Xirey
Written by Ali Moallim   
Wednesday, 26 December 2007

Muqdisho, (insidesomalia.org) - Agaasimaha Idaacadda Somaliweyn C/raxmaan Xasan Xudeyfi ayaa inoo xaqiijiyay xeritaanka Idaacadda Somaliweyn kadib markii amar lagu xerayo Idaacada  uu ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.

Idaacada ayaa mar qura hawada ka baxday , kadib markii qadka isgaarsiinta xiriir lagula soo sameeyay Agaasimaha Idaacadda Somaliweyn, iyadoo lagu amray in uu damiyo Idaacadda ilaa iyo amar danbe, waxayna shaqaalihii Idaacadda ay u hoggaansameen amarka ka soo baxay Maamulka sare ee Gobolka Banaadir.

C/raxmaan Xudeyfi ayaa sheegay inuusan garaneyn sababta keentay in laxiro Idaacada, Idaacadda iyadoo looga yeeray xarunta Gobolka Banaadir si loogu sheego sababta loo xeray Idaacadda.

Maamulka Gobolka Banaadir oo dhawaan heshiisyo la galay Maamulayaasha warbaahinta, kaasoo dhigayey in aan la wareysan kooxaha mucaaradka ah ee ku sugan gudaha iyo dibada, waxayna Idaacadda Somaliweyn habeen hore wareysi dheer la yeelatay Macallin Xaashi Maxamed oo ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamiga, kadibna ku biiray Isbaheysigii Asmara isagoo Idaacadda Somaliweyn ka shaaciyay inuu ka baxay Isbaheysigaasi kuna biiray Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Magaalada Mugdisho uuna halkiisa ka sii wadi doono dagaalka uu kula jiro ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya.

Waxyaabaha lagu eedeynayo ayaa la filayaa in arintaasi ay tahay inkastoo si cad loo sheegin waxyaabaha lagu heysto Idaacadda Soomaaliweyn.

Idaacadda Somaliweyn oo ka mid ah Idaacadaha Gaarka loo leeyahay oo  Maxaliga ah ee ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa mudadii ay jirtay oo sanad ah, waxay dadaal weyn u gashay sidii ay u heli laheyd taageerayaal fara badan oo gudaha iyo dibada, waxayna iminka xafiiltan kala dhaxeysaa idaacadaha kale ee ka horeeyay.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items

<< Previous Page          

< Prev