|
Muqdisho, (insidesomalia.org) - Hay'ada u dooda Xuquuqul insaanka ee Dr:Ismaa,il Jimcaale ayaa sheegtey in Saxaafada soo kobceysa ee Soomaaliya la doonayo in dhabarka laga jabiyo,waxayna Dowladda KMG Soomaaliya ka codsatay in wax ay ka qabato tacadiyada lagula kocyo Saxafiyiinta Soomaliyeed.
Marwo Maryan Xusseen Owreeye oo ah Gudoonka Hay'ada Dr: Ismaaciil Jimcaale ayaa sheegtay in Wariyaha uu yahay Ruux an Leheeyn Xuduud meesha uu doonana uu ka soo waramikaro xogta ka jirta,waxaana intaa raacisay in ay Qatar soowajahdey Suxufiyiinta Soomaaliyeed.
"Wariye malahan Xuduud meel loo diidi karo ma jirto meel laga celin karo majirto lama dhihi karo meel hebla ayuu tagaa,lamana xiri karo" ayeey tiri Marwo Maryan.
Maryan Owreeye waxaa ay intaa ku dartay in loo baahan yahay jawi nabadeed oo ay ku shaqeeyaan Saxafiyiinta soo tabiya Xogaha la qarinayo iyo tacadiyada ka dhacay Dalka Soomaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxaana ay Dowlada ka codsatay in ay wax ka qabato dhibaatada iyo caburinta lagu hayo Warbaahinta Madaxa banaan.
Maryan Owreeye ayaa Hadalkan ka sheegatay Munaasab loogu dabaaldegaayay Maalita Saxaafada Soomaaliya 21 Janaayo oo shalay ka dhacay Magalada Muqdisho.
Hay'daha u dooda xuquuqul insaanka iyo dhamaan Uruurada bulshada ayaa ku soo beegmay xili ay tiro wariyeyaal ah ku xiranyihiin Xabsiyada Dowladda, isla markaan aan laga war qabin waxa loo heeysto.
Horay ayaa Ra'isul Wasaare Nuur Cadde uu u sheegay in uu wax ka qabanayo tacadiga lagu hayo Saxafiyiinta, soo deeyn doono kuwa ku jira Xabsiyada.
|