|
Muqdisho,(insidesomalia.org)-Gudiga Baarlamaanka Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya u qaabilsan arimha Warbaahinta ayaa Xukuumada ugu Baaqay in ay xaqdhoowraan Saxaafada xorta ah ee ka Jirta Dalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Gudiga Baarlamaanka Soomaaliya ee u qaabilsan Saxaafada Xildhibaan Axmed Cawad Casharo oo Saxaafada u waramayay isagoo ku sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxaa uu xukuumada KMG Soomaaliya ugu baaqay in ay dhoowraan isla markaana masuuliyad weeyn iska saaraan Warbaahinta madaxa banaan ee ka Hhwl gasha gudaha Dalka Soomaaliya.
Mudanaha ayaa ugu baaqay Xukuumada in ay ka fogaato iskana ilaaliso wax waliba ee dhibaateeyn kara ama cabsi galin kara Warbaahinta madaxa banaan oo uu ku sheegay in ay lafdhabar u tahay Bulshada, isla markaana ay qeeyb weeyn ka qaadan karaant in ay soo bandhigaan Xaqaaqiqa dhabta ah ee ka jira Dalka Soomaaliya.
Xildhibaan Casharo ayaa warbaahinta ugu baaqay dhankooda in ay Ilaaliyaan nidaamka, isla markaana ay soo bandhigaa xogaha rasmiga ah ee ku qotoma xaqaaqiqa oo la heli karo xogahooda, iyagoo ilaalinaya xaalada uu haatan Dalka ku sugan yahay.
Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in ay diyaarinayaan sidii ay dib ugu celin lahaayeen Baralamaanka Qodobka la xiriira Xeerka Saxaafada, kaasi oo uu dhawaan Baarlamaanku Ansixiyay waxaana ka yimid dhaliilo la xiriira arintaasi,waxaana uu sheegay in xeerkasi ay ku jiraan qodob xiligan aan la jaan qaadi karin Warbaahinta xorta ah ee ka jira Dalka Soomaaliya.
Inkastoo bilihii ugu danbeeyay ay u muuqatay mid soo hagaageeysa xuryada Saxaafada iyo howlaheeda Warbaahineed gudaha Dalka soomaaliya oo markii hore cadaadis iyo weeraro joogto ah kaga imaanayay Saxaafada ayaa hadana waxaa weli jira caqabado ay ka muuqato in aaney fasaxneyn Warbaahinta Madaxa banaan in ay howshooda warbaahineed ay u gutaan sidii loogu tala galay.
Dhacdadii ugu danbeeysay ayaa waxaa ay aheeyd markii 6 Saxafi oo ka howl galayay warbaahino ka howl gala gudaha Dalka iyo Dibada ay Ciidamada Asluubta Soomaaliya ay mudo kooban xuriyada ka qaadeen, iyagoo Xabsiga dhexe ku hayay xili ay howshooda Warbaahineed ku jireen.
Waxaa weli jira dhibaatooyin loo geeysanayo Warbaahinta madaxa Bbnaan oo isugu jira dilal iyo dhawacyo kala duwan oo ay geeysanayaan Kooxo aan weli la aqoonsan cida ay yihiin waxaana dhacdadii ugu danbeeysay aheeyd dil Magaalada Kismayo loogu geeystay Wariyihii BBC da laanta Afka Soomaaliga uga Waramijiray Magaalada Kismaayo Alle ha u naxariisteen Nasteex Daahir Faarax, taasi oo ka dhigeeysa Dalka Soomaaliya halka ay ka jiraan Caqabadaha ugu weyn ee haysta Warbaahinta Madaxa Banaan marka laga soot ago dalka Ciraaq
|