Home arrow Media arrow Faanaaniita Dalka Jabuti oo Diyaarinaya Heeso Loogu Talogaley Shirka dib Uheshiisiinta Soomaalida
Somaliland Borama Rays Hotel
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:11
Date:05-07-2008
Bosaso, Bari, Puntland, Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:14
Date:05-07-2008
Clay Aiken - Somalia Awareness
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:18
Date:05-07-2008
Mogadishu: 2 July 2008
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:31
Date:04-07-2008
Bob Marley - Africa Unite
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:37
Date:02-07-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
May 13 2008
Faanaaniita Dalka Jabuti oo Diyaarinaya Heeso Loogu Talogaley Shirka dib Uheshiisiinta Soomaalida
Written by sheekhaduun omar   
Tuesday, 13 May 2008

Jabuti, (insidesomalia.org)-Waxaa ka socda Xarunta Kooxda Fanaaniinta Dalka Djibuti ee Degaan abaabul xoogan ay ugu diyaar garoobayaan sidii ay kaalin wax ku ool ah uga qadan lahaayeen Shirka dib u heshiisnta Soomaalida oo ka furmey Dalka Jabuuti.

Kooxda Degaan ee Dalka Jabuuti oo ah koox madaxa banaan oo ay leeyhiin Fanaaniin iyo abwaniin reer Jibuuti ah ayaa wada diyaar garow xoog leh oo ay ku soo bandhigayaan Riwaayado, Heeso iyo hab Faneed kale.

Kooxda Deegaan oo kamid ah Kooxaha ugu waaweyn kooxaha xagga Fanka ee ka jira Bariga Afrika si weyna loogu yaqaano Sugaan casri ah oo si weyn u taabaneysa dareenka shacabka.

waxaa sidoo kale Kooxadani kaalin lama ilwaan ah ay ka soo qaateen Shirkii lagu dhisay Dowladdii Carta Sanadka markuu ahaa 2000, iyagoo u soo bandhigay Dadkii Shirkaasi ka qayab galay Heeso iyo Riwaayado qiiro gelin jiray ka qeybgalayaashii Shirkii Carta iyo kuwii kala socday Telfishanaka Qaranka Dalka Jibuuti ee RTD, Kooxadan waxay caan ku tahay hab Fananeed ay calmadaan qofkii mar dhegysta ama daawada Riwaayadhooda, inata badan waxay adeegsadaan xeelado iyo xarkaad ciyaardeed oo ay ku qanciyaan macaamiishooda.

kooxdani waxay isugu jirtaa Rag Abawaano ah iyo Heesayaal Musikeystayaal, Laxamiis tayaal ,khibarad waayo aragnimo u leh hab Suugaaneedka ay soo gudbinayaan, taasina waxay kentay in ay hantaan Shacab badan oo ku nool Dalakani Jibuuti iyo Adduun weynaha intiisa kale, waxaadna ka dheehan kartaa in Fan Gaamuray ku soo afmeermay kooxdani.

marka aad dhex joogto Wadada halbowha ah ee Rudi Carta Degmada wada jir waxaad durba dhegaaha ku soo dhacaaya Musiga iyo codadka halaasiga ah ee Faniinta Koxadani, kuwaasi oo qof kasta oo halakaasi maaraya ku abuuraya inuu u hayaamo dhanka xaruntooda.

hadaba xarauntaani aan booqday aayan kula kulmay Gudomiyaha kooxdaasi Mr Maxamed xasan Migil cawas iyo Kooxdiisa oo xiligaa ku jiray hawal baaxad leh, waxaana waydiiyey bal inuu wax iiga shegeego shaqada ay ahaayan waxa uuna Guudoomiye Caaws ka dhawaajiyey in ay ku jiraan diyaar garoow ku aadan Shirka Soomaalida iyo sidii ay Madaxada labada dhinac ugu dhiiri gelin lahaayeen in ay midoobaan, iyagoo u istcmalaaya Sugaantooda, madaama Soomaalidu ay taariikh u leedahay in ay wax isku fahansiiyaan Sugaanta, isgoo intaasi ku daray in xiligaan ay tii ugu dambeysay ganacata ku ahayan 8 Heesood waxaana lafatigayaga intii aan joogay Xaraunta Degaan darenkyaga gil giley cod ay si wada jir ah u wadaqaadayeen Kooxda oo hal ku dheg u aaha Dadkii waa idin sugayaan.

kooxdani Degaan ayaa u muuqta mid buuxisay kaalintii Faneed ee Jamhuuriydii burburty ee Soomliyeed oo Faniinteedii ay noqdeen wax qaxay iyo wax dhinatay, waxayna ku soo bandhigaan meelaha Masraxyada ah ee ay tagaan kooxdani horumarka ay ku soo kordhiyeen Fankii bariga Afrika waana koox soo nooleysay awoodii iyo qiimihii Faneed ee Fanaanka Afrikaanka uu lahaa, kuwaas oo Sanadihii ugu dambeeyey ay gaabis noqdeen.

Kooxda Deegaan ayaa Heesahoodu si weyna loo daneeyaa, taasina waxay ku muteysteen habka ay u sameeyaan Mirha Heesaha ay qadaan, taasi oo loo fasiran karo in ayihiin Koox la oran karo waxay kor u qaadeen Fankii duugoobay oo ay Boorka ka jafeen, isla markaana dadka ku hadala Af Soomaaliga usoo saarey Heeso waxtar u leh,waxaana cad oo aan daah sareeyn in ay yihiin Kooxda kaliya ee maanta soo celin karta Fanka Dadka Af Soomaaliga ku hadla ay ku dhex lahaayeen Caalamka.

Xubin ka mid ah Dadka sida way u taageera Kooxda Deegaan ee Dalka Jabuuti oo aan la kulmay ayaa aragtidiisa ka dhiibtay sida uu arko kooxadni waxauuna yiri "Waxaa xaqiiqo ah oo aan la dafiri karin Heesaha Qiirada Wadaniyadeed leh oo ay Soo bandhigeen Fanaaniinta Degaan shirkii carta ,Arinta ugu weyn ee aan ku taageereya kooxdan waa sida ay mar walba ugu dedaalaan ku soo dabaalida Dalkii Soomaaliya nabad ka hana qaada Shaki kuma jiro in Fanka ay la soo shaac-baxeen Fanaaniinta degaan uu yahay mid Soomaaliya nabad u horseedi kara ama wax gelin kara qalbiyda siyaasiyiinta iksu haya talada dalka Soomaaliya.

kooxdani kuma koobna Soomaaliya iyo Jabuuti oo kaliya, balse waxay kaalimo Faneed oo aad loogu riyaaqay ay ka dhigeen Dalal dibada ah sida Dalalka Khaliijka gaar ahaan Qadar iyo Dalka isutagga Imaaraadka Carabta iyo waliba Dalal Afrikaan ah.

ka sokow kooxda deegaan Dalka Jabuuti waxa uu leeyahay kooxo kale oo iyana ku mashquulsan sameynta Heesho iyo hab Faneed kale oo ku wajahan Shirka dhawaan ka furmey Dallka jabuuti, waxaana kooxaasi ka mid ah Kaar Maaris, Gacan libaax iyo Boolis




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items
< Prev   Next >