|
Muqdisho,(nsidesomalia.org)-Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta hawada ka saarey Idaacada Codka Nabada, iyagoo kexeeysatay qaar ka mid ah Shaqaalaha Idaacadaasi ka howl galayey.
Sida uu sheegay agaasimaha idaacada Codka nabada oo ka mid ah Warbaahinta madaxa Banaan ee Ka howlgala Magaalada Muqdisho Max’ed Cali Ciroole ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ay barqanimadii maanta soo galeen Xarunta Idaacadasi, kuwasi oo ku amray in shaqaalaha ay dhamaantooda dibada u soo baxaan, isla markaana ay hawada ka saaraan Idaacada.
Agaasimahasi waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowadsa ay horay u sii kexeeysteen qaar ka Mid ah shaqaalaha oo uu ku jiray tifatiraha Idaacadasi Shaafici Muxudiin Isloow, aygoo loo dhaadhiciyey wariyaashaasi Xabsiga dhexe ee Magaaalda .
Ciidamada ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo wataa Gaari Mini Bas ah oo ay Soomaalida u taqaan Caasi, kuwasi oo aad u hubeeysnaa, dabadeedana gudaha ugaley Xarunta Idaacada
Sidoo kale Max’ed Cali Ciroole agaasimaha Idaacada Codka Nabada waxaa uu intaasi ku daray in ilaa iminka uusan ogeeyn sababta loo sooweerarey ama loo xirayo idaacadooda, waxaana uu sheegay in uu ku gudo jiro xog uruurin ku aadan sababta loo xiray Idaacada
Idaacada Codka Nabada ayaa waxaa ay tahay mid dhawaan ka howl biloowday Magaalada Muqdisho waxaana ay noqoneeysaa arintani tan iyo markii ay Idaacadani soo gashay hawada oo la xiro.
Arnitani ayaa qeeyb ka ah Caburinta iyo xadgudubyada ay kula Dhaqaaqdo Dowladda Soomaaliya Warbaahinta Madaxa Banaan ee ka howlgasha Gudaha Dalka Soomaaliya,waxaana jirey Idaacado kale oo Magaalada Moqdishu ka howgalayey oo dhoor jeer ay Dowladda xirtey.
|