|
Muqdisho, (insidesomalia.org) - Xarunta ahlu khayr oo ka howl gasha Magaalada Muqdisho gacantana ku heysa Dad isugu jira kuwo waalan, kuwa darbi jiifka ah, indhoolayaal, iyo Caruur Agon ah ayaan manta la garsiiyey deeq lacageed oo gaaraysa $1500 Dollar oo ay ku deeqeen jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Finland.
Deeqdaan lacageed oo ay jaaliyadu u soo marsiisey Xarunta Ahli Kheyr wakiilka jaaliyada ee Muqdisho Cabduqaadir Maxamed Cisman ayaa wuxuu lagu wareejiyey Maamulaha Xarunta ahlu khayr ee Magaalada Mugdisho Shekh Cabdiraxman Xaaji Macow.
Deeqdaan lasoo gaarsiiyey Xaruntaan ahlu khayr ayaa waxaa ka faaiidaysanaya 86 Caruur agoon ah iyo Dad kale oo Mirka looga jiro,iyo waliba Caruurta derbi jiifka ah iayada Qofkiiba la gudoonsiiyey lacag dhan $10 Dollar oo u dhaganta 210.000 oo Shilinka Soomaaliga ah.
Deeqdaan oo ah tii labaad oo ay soo dhiibaan Jaaliyada Soomaalida ee Fiiland una soo dhiibaan Dadka soomaaliyeed oo u baahan gacan qabashada walaalahooda ayaa aheyd mid ay si weyn ugu farxeen qoysaskii dhaley Caruurta agoonta iyo Dadka miirka looga jiro oo ah Dad si weyn u jilicsan una baahnaa in la gargaaro.
Maamulaha xarunta ahlu khayr ayaa ka ka war bixiyey xaalada guud ee ay ku suganyihiin Agoonta iyo Dadka waalan ee kujira Xarunta, waxeyna kor u dhaafayaan ilaa 160 Qofood ,kuwaas oo isugu jira Carur darbi jiif ah, Dad waalan, agoon waalidkood ku waayey Dagaalda Dalka ka jira.
Cabdiraxman Xaaji Macow "waxaan u mahadcelinayaa awalan Ilaahey, ka dibna waxaan u mahadcelinayaa walaalaheena Soomaaliyeed ee Rag iyo Dumarba leh, kuwaas oo degan Wadanka Finland oo soo xasuustay walaahooda tabaaleysan Indhool ha haado ama Agoon ha ahaado ama Maskiin kale ha ahaado sida Curyaan iyo kuwo waalan waa markii labad ee ay Xaruntan Dadka joogo ka farxiyaan". Ayuu yiri Sheekh Macow.
|