|
Muqdisho,(insidesomalia.org)-Xarunta Agoonta wiilasha ee Lafoole oo maanta la gaarsiiyey deeq lacageed oo ay soo dhiibeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Mareykanka,taas oo dhameyd 1500 oo Doollar.
Deeqdaan lacageed ayaa xarunta Wiilasha Agoonta Lafoole soo gaarsiisay Agaasimaha Xarunta Dhalinta Agoonta ee lafoole Cabduqaadir Yuusuf Kaariye (Awliyo).waxaana deeqdaas lacageed la gaarsiiyey caruur gaareysa 250 iyo 52 ruux oo cuuryaamiin ah.
sidoo kale Xaruntaas waxaa OPD ka hirgelisay Hay'adda Muslim AID, iyadoo Hey'adda ICRC ay iyaduna dhinaca Daawada ka taakulayso sida uu Saxaafadda u sheegay Agaasimaha Xarunta Dhalinta Agoonta ee lafoole Cabduqaadir Yuusuf Kaariye.
Agaasimaha Xarunta Dhalinta Agoonta ee lafoole Mr: Cabduqaadir ayaa sheegay in dhalintaas agoonta ah aysan jirin cid gargaarta markii laga reebo hay,ado faro ku tiris ah iyo jaaliyadah Soomaalida ee Dibada kunool, wuxuuna sheegay in ay dhinaca Caafimaaka ay hada ka fiicanyihiin base ubaahanyihiin in laga gargaaro dhinacyo kale.
Tan iyo intii ay dagaalada sokeeye kabilowdeen Dalka Soomaaliya ayaa waxaa Maalinba Maalinta kadanbeeseysa isoo taraya Caruurta Agoonta ah oo aan heleynin daryeelkii ay heli jireen Caruurta.
Waxaa Dalka Soomaaliya ka jira Xarooyin tiro yer oo lagu daryeelo Caruurta aan laheyn Waalidka, kuwaasi oo aan awoodi Karin in ay daboolaan baahida ay qabaan Caruurta agoonta ah oo ku dan dareysan gudaha iyo daafaha Dalka Soomaaliya.
|