|
Jabuuti,(insidesomalia.org) - Ugu yaraan labaatan guri ayaa gubtay xaafad ka mid ah xaafadaha ugu waaweyn Dalka Jabuuti oo lagu magacaabo Xunbule, iyadoo dabkaas uusan geysan wax khasaare nafeed ah, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada Boliska Dalka Jabuuti.
Madaxa Dab damiska Dalka Jabuuti oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dabkaasi uu ahaa mid xoogan, ayna ku guulaysteen 30 daqiiqo kaddib in ay baqtiiyaan, isagoo sheegay inuu geystay khasaare hantiyeed oo aad u fara badan.
Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in ay dabkaasi ay filayaan inuu ka dhashay xargaha korontada, balse ay wadaan baaritaano aad u xoogan oo ku saabsan sababta dabkaas keentay in uu kaco.
Dalka Jabuuti ayaa waxaa xiligaan ka dhacaya dabeylo loo yaqaan khamsiinka, kuwaasoo dhaca xilliyada xagaaga ah oo dalkaas uu aad u kulul yahay, waxaana dadkii ay guryahoodu baaba'een ay ku sugan yihiin meelo banan ah.
Madaxda Jabuuti ayaan iyagu ka hadlin haba yaraatee khasaaraha ka dhashay dabkaas, waxaase dadka ay musiibooyinka noocaan ah ku dhacaan gacan siiya xukuumada iyo shacabka dalkaas.
Sannadkaan horraantiisa ayay ahayd markii dab xoogan uu sidan oo kale u baabi'iyay xaafad ka mid ah xaafadaha Dalka Jabuuti,kaasi oo ka dhashay xargaha korontada sida ay sheegeen mas,uuliyeen Dabdamiska Dalkaasi.
|