|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Madaxa Hay'ada Qaxootiga Aduunka ee UNHCR Antooniyo Guterrs ayaa sheegay in dhibaatada heysata Qaxootiga Soomaaliyeed ay tahay midii ugu ba'neyd ee ka dhacda Aduunka.
Mr Guterrs oo maalintii shalay booqday xereda Qaxootiga Dhadhaab ee Waqooyiga Dalka Kenya, halkaasi ay ku jiraan Qaxooti fara badan oo Soomaaliyeed ayaa in xaalada bani'aadanimo ee heysata Qaxootigaasi ay ka darantahay mida heysata Qaxootiga ka barakacay Wadamada Ciraaq iyo Afgaanistaan.
Sarkaalkaasi Hay'ada Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa Beesha Caalamaka ugu baaqay in ay mudnaanta kowaad siiyaan nabada Dalka Soomaaliya, waxaana uu sheeegay in Dalka Soomaaliyeed haatan u baahan yihiin in dib ugu laabtaan Dalkoodii.
"Waxaan u balanqaaday in Hay'ada Qaxootiga UNHCR ay sii wadi doonto kaalmada Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha Dalka Soomaaliya.
UNHCR ayaa ku qiyaastay Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku barakacay daafaha Caalamaka ilaa 457 kun oo qof, iyadoo 8 dii Bilood ee lasoo dhaafay in tirada ay gaaratay ilaa 1 Milyan oo qof oo Soomali ah.
Ugu danbeytii Antooniyo Guterrs waxa uu Caalamka ka codsaday in ay qaadaan talaabooyin wax looga qabanayo maashilka Dalka Soomlaya, islamarkaana lagu xaqiijinayo deganaashiyaha iyo amaanak Dalka Soomaaliya
|