|
Shaqaalaha MSF Lasoo Daayey |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Wednesday, 02 January 2008 |
|
Boosaaso (insidesomalia.org) - Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in lasoo daayey Labadii shaqaalaha Hay,ada MSF Spain ee Magaalada Boosaaso lagu haytey, waxaana labadaasi haween lagu soo wareejiyey wasaaradda Caafimaadka ee mamulkaasi Puntland.
Wasiirka Caafimadka Puntland C/Raxmaan Dhagaweyne ayaa sheegay in salaley galab abaaro 4:25 daqiiqo lasii daayay labada shaqaale oo ah haween u kala dhashay Dalalka Spain iyo Argentine.
Maamul Puntland ayaa sheegay in wax lacag madax furasho ah aan lagu bixin sii deynta haweenkaasi, isla markaana ay ka qeyb qaateen odayaal dhaqameedyo iyo waxgaradka Magaalada Boosaaso Joogey.
Meel duleedka Boosaaso ah ayuu sheegay wasiirka Caafimaadka Puntland in lagula wareejiyay shaqaalahaasi Caafimaadka.
Waxaa la diiday in ay Saxaafadda la hadlaan Haweenka lasoo daayey , maadaama ay aad u daalanaayeen,hayeeshee waxaa loo soo bandhigay Saxaafadda si loogu xaqijiyo in caafimaadkoodu hagaagsanyahay.
|